Xaflad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay magaalada Leicester Xildhibaan Abuukate Daahir Xassan.[Masawiro]
September 9, 2014 - Written by EditorLeicester:-Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay si wadajir ah usoo wada qaban qaabiyeen qaar ka mid ah aqoonyhanada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee magaalada Leicester ayaa lagu qabtay mid ka mid ah maqaayadaha caanka ah ee ku yaal magaalada Leicester. Xafladaas oo ujeedadeedu ay aheyd soo dhaweyn loo sameynayey Xildhibaan Daahir Xassan Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada Dowladda federaalka Soomaaliya. Xildhibaan Daahir waxaa kale oo uu ka mid yahay aqoonyhanada ku nool magaaladan Leicester ee ka mid noqday dowladda dhexe ee Soomaaliyeed.
Isbarasho iyo soo dhaweyn ka dib ay waxaa ay soo jeediyeen waxgaradkii iyo aqoonyhanadii halkaas isugu yimid ayaa waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyay Xildhibaan Daahir oo runtii halkaas ka soo jeediyey warbixin qayim ah oo dhinacyo baddan taabaneysay taasoo ku wajahneyd xaaladaha uu dalku maanta marayo iyo halka ay higsaneyso dowladdan. Xaqiiqdii warbixintaas aad ayaa looga helay oo si wanaagsan ayeey u soo dhaweeyeen waxgaradkii halkaas isugu yimid. Ka dib waxaa laguda galay su’aalo la weydiinayey xildhibaanka, kuwaasoo uu si wanaagsan uga qanciyey dadkii halkaas isugu yimid.
Intaas ka dib waxaa laguda galay casho sharaftii loogu talagaly xildhibaanka taasoo kusoo gabgabowday jawi aad u qurxoon oo aad looga maqsuuday. Xafladaas in ay ku soo dhamaato jawigaas qurxoon Allaah ka soke waxaa mahadeeda iska leh oo soo qabanqaabiyey C/qaadir Cali Faarax, Cabdikeyf Bashiir Faarax, Feysal Nuur, Cabdulqaadir Dalmar iyo Cabdixakiim Jaamac Jooje.
Waxaan kaloo mahad ballaaran halkan uga direynaa kasoo qeybgalayaashii waqtigooda qaaliga ahaa ina siiyey oo soo ajiibay casumaadeena. Sidoo kale waxaan mar labaad iyo mar saddexaadba halkan uga mahadcelinayaa Xildhibaan Abuukaate Daahir oo waqtigiisii qaaliga ahaa ina siiyay si fiicanna warbixin na kaafisay nooga siiyay dalkeenii.
no images were found
Wabilaahi Towfiiq
Bahda Jooje Sevice