Barnaamij ku saabsan Zaad siinta Xujeyda oo lagu qabtay Markazka Ibnu Baaz (Masawiro)
September 20, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Barnaamij loogu tala galey toosinta & Zaad siin ku saabsan Xajka ayna iska kaashadeen Markazka Ibnu Baz ee Dacwada & Jaamacada Imam ayaa Magaalada Muqdisho loogu qabtey qaar ka mida Xujeyda Sanadkan 1435H xajineysa.
Barnaamijka waxaa soo jeediyey Sh C/risaq Aw Aadan oo aqoon durugsan u leh arimaha Xajka, goobta ka jeediyey Muxaadaro muhiima oo ku saabsan Xajka guud ahaan & Xaajiga waxa la gudboon ee acmaal ee uu gudanayo inta lagu jiro ayaamaha Xajka.
Sidoo kalena Sh. C/risaaq wuxuu goobta ku soo bandhigay nuqulana Xujeydka ka siiyey bug Af-Soomaaliya oo ku saabsan Xajka, faahfaahino badan oo Xajka uu Xaajigu ka heli karo ka hor & inta uu Xajka ku jiraba.
Sidoo kale goobta waxaa lagu soo bandhigey Muuqaalo muhiima oo ku saabsan Xajka & goobaha kale duwan ee inta lagu jiro Xajka Acmaasha lagu gudanaya.
Barnaamijka ayaa Xujeydii ka qeyb gashey ka faa’iideen xogo muhiima oo ku aadan Xajka ay u socdaan, qeybna ka qaadan karta iney si saxa u soo gutaan Idanka Alle Xajka.
no images were found
Waxa uu Barnaamijkan qeyb ka yahey barnaamijta wax galka u ah Bulshada ee Markazka Ibnu baaz ee dib dhawaan loo furey uu bulshada u qabanayo looguna talo galey asal ahaan inuu qabto.
Musasat Al-Safa
Muqdisho