Madaxweynaha PL iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyey magaalada Addis ababa.
October 16, 2014 - Written by EditorAddis–Ababa:-Madaxweynaha Dawlada Pauntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti balaadhaan oo uu hogaaminayo ayaa si balaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Addis-Ababa ee caasimada dalka Ethiopia oo ay gaareen 12:00 duhurnimo ee maanta. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa ku sugnaandoona magaalada Addis-Ababa ilaa iyo maalinimada Sabtida ah oo uu saqbadhka ka dhoofidoono.
Madaxweyne Gaas ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Addis-Ababa waxaa uu la kulmi doonaa madaxda dalka Ethiopia iyo madaxda beesha caalamka ee xaruntoodu tahay magaaladaasi.
Wuxuu maalinta sabtida ah ee 18 october gaadhi doonaa magaalada London halkaas oo uu kaga qayb geli doono shir caalami ah oo looga hadli doono maalgashiga Afrika, shirkaas oo ay ku casuuman yihiin madaxweynayaasha Afrika.
no images were found
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha
Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Puntland.