Ku Simaha Madaxweynaha DFS oo taageeray Go’aanka Xukuumadda ee Dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed. [VIDEO]

November 1, 2014 - Written by Editor

_DSC0504Muqdisho:-Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa taageeray go’aannada Xukuumadda oo la xiriira in la ballaariyo dadaallada ku aadan in loo wada dhamaado gogosha shirka ergada dhisidda maamul sameynta gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka soconeysa magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Ku simaha Madaxweynaha Dalka ayaa yiri “waxaan hor iyo horaan doonayaa in aan halkaan ka ayido aniga oo ku hadlaya magaceyga,magaca Madaxwey naha Jamhuuriyadda go’aannada kasoo baxay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda ee lagu xoojinayo dadaallada is fahamka iyo wada hadalka ah ee ka socda magaalada Baydhabo si ugu dambeyn loo helo in shirka ergada ee ka socda magaalada Baydhabo uu u noqdo mid loo wada dhan yahay oo dhammaan shacabka Koonfur Galbeed ay ka wada qeybgalaan”.

Waxaan rabaa inaan xusuusiyo dhammaan ergooyinka,wasiirrada howsha wada, siyaasiyiinta, guddiga farsamada iyo guud ahaanba shacabka Koonfur Galbeed markii howlahan oo kale la qabanayo habraaca ayaa ka muhiimsan natiijada soo baxda waana muhiim in habraaca loo marayo howsha dhameystirka dhismaha maamulka Koonfur Galbeed inuu noqdo mid loo wada dhan yahay si loo helo oo uu u sameysmo maamul lagu diirsado,loo wada dhan yahay islamarkaana lagu qanac sanyahay sida uu madasha furitaanka ka sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda in dhinacyada gogoshaasi ka maqan oo ay Odayaasha ugu horeeyaan laga wada qeybgeliyo”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ku simaha Madaxweynaha Dalka.

Ugu dambeyntii Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari waxa uu u mahad celiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ku sugan magaalada Baydhabo dadaallada ay wadaan iyo xubnaha howshooda gacanta ku siiyey waxaana uu ugu baaqay dhammaan shacabka iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed iney mar walba ilaaliyaan xasiloonidooda ayadoo laga fogaanayo wax kasta oo qalalaase keeni kara.

Hoos ka Daawo Ku simaha Madaxweynaha DFS ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online