Ciidanka DFS oo howlgalo ka sameeyey Degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag (Masawiro)

November 5, 2014 - Written by Editor

DSC08695Muqdisho:-Ciidanka nabadsugida ee DFS ayaa saaka howlgal ka sameeyey magaalada Muqdisho waxaana ay gacanta ku dhigeen rag lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo hub kala duwan.

Ciidanka Nabadsugida ee DFS ayaa waxaa ay howlgalada ka sameeyeen Degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag ka dib markii ay xog ku heleen in xubno ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab ay ku dhuumaaleysanayaan labada Degmo.

Ciidanka DFS iyo kuwa Nabadsugida ayaa guriguri u galay Degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag waxayna gacanta ku dhigeen dhalinyaro iyo hub kala duwan iyo daroogo .

Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka ee DFS Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay qabteen dhalinyaro ka tirsan Al-shabaab ,hub iyo Daroogo .

Maxamed Yuusuf Cismaan Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in ay fashiliyeen weeraro dhowr ah oo ay Al-Shabaab damacsanaayeen in ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

Warbaahinta DFS ayaa soo bandhigtay sawiro iyo Muuqaal howlgalada ay saaka ka sameeyeen Degmooyinka wardhiigley ,Yaaqshiid ,Hodan iyo Howlwadaag.

no images were found


A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online