Mu’asasada Al-Minhaaj oo dowro tababar ah u soo gabagabaysay Dumarka Macalimiinta ah ee Boosaaso.[Masawiro]

November 7, 2014 - Written by Editor

14Boosaaso:-Waxa maantay ka dhacday markazka wayn ee Al-Rowda ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo afmeerayay dowro lagu tababarayay dumarka ducaada ah ee wax ka dhiga goobaha waxbarashada ee magaalada Boosaaso, sidda dugsiyada quraanka , iskuulada iyo Macaahida.

Dowradan maantay lagu soo gabagabeeyay magaalada Boosaaso , gaar ahaan Markazka Al-Rowda oo socotay mudo laba isbuuc ah, ayaa waxa isku soo duba riday Mu’asasda Al-Minhaaj ee Dacwada iyo Horimarinta Qaybta gobolka Bari, iyadoo ula jeedadka dowradaan loo qabtayna ay ahayd , sidii kor loogu qaadi lahaa tayada macalimiinta ka shaqeeya goobaha waxbarshada, gaar ahaan macalimiinta dumarka ah oo aan helin tababaro noocaas oo kala ah.

Xafladan lagu soo afmeeray dowrada  ayaa waxa goob joog ka ahaa Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen, Gudoomiyaha guud ee Mu’asasada Al-minhaaj Ustaad Maxamed C/dulaahi C/dulle , Madaxa xafiiska arimaha bulshada mu’asasada Al-minhaaj Bari Ustaad Maxamuud Diiriye Cumar, Madaxa Xafiiska Dacwada iyo Waxbarashada mu’asasada Al-minhaaj Bari Ustaad Siciid Maxamed Diiriye, iyo ardaydii tababarka dhamaysatay.

Madaxa xafiiska arimaha bulshada mu’asasada Al-minhaaj Bari Ustaad Maxamuud Diiriye Cumar oo ugu horayn Munaasabadan ka hadlay ayaa ka warbixiyay Dawradaan, wuxuuna Tilmaamay in dawradani oo mudo laba isbuuc ah socotay  loogu talagalay in kor loogu qaado tayada aqooneed ee macalimiinta dumarka ah ee wax ka dhiga goobaha waxbarashada magaalada Boosaaso.

Gudoomiyaha guud ee Mu’asasada Al-minhaaj Ustaad Maxamed C/dulaahi C/dulle oo isna ka hadlay munaasabada ayaa ugu baaqay ayaa ugu horayn uga mahad celiyay maamulka mu’asasada qaybta gobolka bari tababarkaan wax ku oolka ah ee ay u qabteen macalimiinta gabdhaha ah.

Mr Maxamed C/laahi oo hadalkiisa siiwata ayaa sidoo kale ugu baaqay macalimiintii qaadatay dowradaan inay bulshada uga faa’ideeyaan aqoonta ay heleen, sidoo kalana ay kula laabtaan goobahay wax ka dhigayeen iyo ardaydoodi si ay u baraati gareeyaan waxay barteen.

Gabagabadii xaflada ayaa Gudoomiyaha guud ee Mu’asasada Al-minhaaj Ustaad Maxamed C/laahi C/dulle iyo, Madaxa Xafiiska Dacwada iyo Waxbarashada mu’asasada Al-minhaaj Bari Ustaad Siciid Maxamed Diiriye waxa ay si wada jir ah ugudoonsiiyeen shahaado kasoo qayb gal dhamaan macalimiintii dhamaysatay dowrada.

Isku soo wada duuboo Dawradan ayaa waxa ay qayb ka  noqonaysaa hawlaha  dacwo iyo horumarineed ee Mu’ssasada  Al- min haaj ay kawaddo gobolllada Puntland si loo helo bulsho dhinac walba ka dhisan.

no images were found

Mu’asasada Al-minhaaj
Bosaso, Somalia

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online