Ugaas Cabdi Ugaas Axmed (C/Buurte) oo Tacsi ka diray Geeridii ku timid Ugaas Axmed Ugaas

November 10, 2014 - Written by Editor

0Dubai:-Ugaas Cabdi Ugaas Axmed (C/Buurte) ayaa halkaan tacsi tiiranyo leh uga diraya qaraabadii, ehelkii iyo dhammaan Salaadiinta Soomaaliyeed, iyo umadda soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali (Geesood) oo ku geeriyooday degmada Galdogob ee gobolka Mudug, wuxuna marxuumka alle uga baryay in uu jannadiisa ka waraabiyo ehelladii iyo asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Ugaaska Ayaa yiri ”Marxuumka waan aqaanay waana soo wada shaqaynay waxaa uu ahaa nin xabiib ah dhibta neceb isla markaana ku wanaagsanaa go,aan qaadashada . Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali (Geesood) oo ahaa ugaaskii guud ee Beesha Leelkase oo ku geeriyooday degmada Goldogob.

Ugaasku wuxuu ka mid ahaa dadka aad looga qadariyo gobalka saameyn weyna ku lahaa nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka dagan gobalka iyo dhamaan umada soomaaliyeed “.

Allaha u naxariistee Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali ayaa k amid ahaa ugaasyada caanka ah ee gobolka Mudug, isagoo siweyn uga dhax muuqday xal uraadinta dalka Somalia, waxaana ku xasuustaa ka qayb galkii Shirarkii lagu dhisay Dowladda Puntland iyo talooyinkii uu ka bixiyay oo aan goob joog ahaa iyo sidoo kale Shirarkii dib-u-heshisiiinta ee lagu soo unkay dowladihii kala danbeeyay ee dalka soo maray.

Ugu danbayn Anigoo Ah Ugaas Cabdi Ugaas Axmed (Cabdi Buurte) In badan na aan soo wada shaqaynay Marxuumka waxaan leeyahay Eebe Janadii haka Waraabiyo Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali (Geesood)

INNAA LILLAAHI WA INAA ILLEYHU RAAJICUUN

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online