Shir looga hadlaayo Qabyaaladda iyo Xadgudubka diineed oo ka socda Istanbul.[Masawiro]

November 12, 2014 - Written by Editor

9Istanbul:-Shir looga hadlayay Qabyaaladda iyo Xadgudubka diineed dhibka ay ku hayaan Dunida Islaamka guud ahaan iyo gaar ahaan umadda Soomaaliyeed ayaa ka socda magaalada Istanbul dalka Turkiga. Shirkaan ayaa waxaa uu ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga maalintii Isniintii 10/ 11/14 waxaan shirkaan soo qabanqaabiyay ururka la dagaalanka qabyaaladda ee ATM (Anti-Trablism Movement) oo fadhigiisu yahay dalka Britain.

Kulankan ayaa waxaa uu socon doonaa mudo Saddex maalmood ayaa waxaa lagu casuumay qaar ka mid ah culummada Soomaaliyeed iyo aqoonyahannada, waxaana looga hadli doonaa inta uu socdo qabyaaladda iyo Xadgudubka diineed.

Culummada lagu casuumay shirkan ayaa waxaa ka mid ah, guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sh.Dr.Bashiir Ahmed Salaad iyo ku xigeenka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sh.Nuur Baaruud Gurxan, Sh.Maxamed Idriis Axmed, gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Garoowe Sh.Maxamuud Yuusuf, Dr. Cabdirisaaq Maxamuud Takar iyo culumo kale.

Sidoo kale, shirka ayaa lagu casumay qaybaha kaladuwen ee bulshada sidda dhalinyarada, abwaanada, aqoonyahano, dumarka iyo qaybo ka mid ah bahda saxaafada. Dhanka kale, waxaa ka soo qayb galay shirka culumo’udiin ka kala socda Masar, Tanzania iyo Kenya.

Shirkan ayaa lagu wadaa inuu lasoo gaba-gabeeyo maalinta Arbacada ah ee bari ah, iyadoo laga soo saari doono war-mutiyeed haddii Alle idmo

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online