Shirkii New Deal ee Arrimaha Soomaaliya oo ka furmay Copenhagen
November 19, 2014 - Written by EditorCopenhagen:-Waxaa maanta ka furmay magaalada Copenhagen ee ee caasimadda Denmark Shirkii New Deal ee Arrimaha Soomaaliya waxaan u jeedka shirkaan ay tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay beesha caalamka ee taageera ay wax ka wiidiinayaan wixii u hirgelay hishiiyadii la wada gaaray iyo geedi socodka waxa loogu yeero Hiigsiga cusub ee Soomaliya.
Shirka New Deal ee Arrimaha Soomaaliya ( The High Level Partnership Forum HLPF for Somalia NewDealcompact Copenhagen) ayaa uu furmay maanta 10 subaxnimo waxaan shirka furay Ra’iisal Wasaaraha dalka Denmark Helle Thoning-Schmidt.
Shirka maanta ka furmay magaalada Copenhagen ayaa waxaa uu daba joogaa Shirkii New Deal ee ka dhacay magaalada Brussels oo dowladda Soomaaliya loo balan qaaday lacag fara badan balse aysan waxba ka hirgelin.
Shirka New Deal ee a furmay magaalada Copenhagen ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa wixii u qabsoomay dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Xassan Sh Maxamuud gaar ahaan , Dhamaystirka Dastuurka, hirgelinta dhismaha maamul gobolleedya federaal ah, amaanka , Daqliga dhaqaale ,Garsoorka, la dagaalanka al-shabaab iyo weliba Hiigsashada sanadka 2016.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya dalalka dhaqaalaha ku taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo , hay’ado caalami ah iyo madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul gobolleedyada ka jira dalka Soomaaliya.
Shirka New Deal ee a furmay magaalada Copenhagen ee caasimada dalka Danmark ayaa ku soo beegmaya xili madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdiwel Sh Maxamed uu ka dhex aloosan yahay khilaaf xooggan oo beesha caalamka ay ka walaacsan tahay.
Dhinac kale Tv-ga dalka Danmarka DR1 oo waraysi kala yeeshay shirka Shirka New Deal ee ka furmay magaalada Copenhagen ee caasimada dalka Danmark Wasiirka arrimaha dibadda Martin Lidegaard ayaa waxaa uu sheegay in shirkaan looga hadlayo arrimaha Soomaaliya balse ay ka walaacsan yihiin khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh isagoo xusay in xal ay wada gaaraan labada masuul arrinkaasna oo shalay kala hadlay Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud.
Wixii soo ka kordha Shirka New Deal kala soco Halgan.net
A/cawaale
Halgan.net