Madaxweynaha Dawladda Puntland oo la kulmay Madaxa Hay’ada Interpeace Soomaliya
November 25, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Hay’ada Interpeace ee Soomaaliya Mr.Ulf Terlinden iyo wafdi uu Hogaaminayey. Wafdiga uu hogaaminayey Mr.Ulf Terlinden waxaa kamid ahaa Saraakil ka socotay hay’ada Cilmibaarista Puntland ee PDRC sidoo kalena waxaa iyaguna wafdiga ka mid ahaa masuuliyiin ka socotay hay’ada Conflict Dynamics International (CDI).
Madaxweyne Gaas ayaa kullan gaar ah oo uu la qaatay Mr.Ulf Terlinden iyo wafdiga la socday waxa looga hadlay qabsoomida shirweynaha wada tashiga Puntland kaasi oo ka dhici doona Magaalo madaxda Puntland ee Garoowe .
Shirweynaha wadatashiga Puntland oo uu horay u iclaamiyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas bilowgii sanadkaan 2014-ka ayaa waxa uu madaxweyne Gaas ku martiqaaday ka soo qeyb galkiisa Madax dhaqmeedka,Waxgaradka ,Aqoonyahanka,Culimo’udiinka iyo qeybaha kale ee Bulshada Puntland.
Hay’adda Interpeace oo Soomaaliya ka caawisa barnaamijyada dimuqraadiyeynta iyo arrimaha isdhexgalka bulshada ayaa waxaa ay balan qaaday inay dadaal weyn kala geli doonto Dawladda Puntland barnamijkeeda Dimuqraadiyada ee dhawaan laga hirgelin doono Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa dhankiisa sheegay in Dawladda uu hogaaminayo ay ka go’antahay fulinta balanqaadyadii ay horay u galeen ku waasi oo tiirar ay u ahaayen wadatashiga bulshada iyo yagleelida xisbiyo siyaasi ah iyo dimuqraadiyad sal balaaran oo ka hanaqaada Puntland.
Dhinaca kale qabsoomida shirweynaha wadatashiga Puntland ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo dabayaaqada Bisha koowaad ee sanadka cusub ee 2015-ka.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.