Ardayda Mac-hadka Al-furqaan ee Laascaanood oo u fadhiistay Imtixaankii Teeramka 2014/2015.[Masawiro]

January 3, 2015 - Written by Editor

1 [Max Width 1024 Max Height 768]Laascaanood:-Ardayda wax ka barta Machadaka Al-furqan ee barashada Culuumta  Shareeca Islaamka iyo Carabiyada ayaa u Fadhiistay saaka (Sabti)  Imtixanaki Teeramka Dhexe ee Sanad Dugsiyeedka 2014/2015. Tirada guud ee Ardayda Imtixaanka u fadhiistay ayaa ahaa ilaa 731 Arday oo Iskugu jira Inamo iyo Hablo, Imtixaankan ayaa waxaa uu socon doona hal Todobaad iyo Badh iyadoo la soo gabagabayn doono bartamaha Bishan  Janauary .

 Ardayda Machadka ayaa si weyn ugu diyaar garoobayey maalmihi la soo dhaafnay  inay guul ka gaadhaan si guud imixaanka inay ku guulaystaan kaalimaha hore
Machadka Al-furqan oo ah xarunta ugu horumarsan dhinaca Tayada iyo Nidaamka uu ku shaqeeyo dhamaan goobaha iyo Dugsiyada wax laga barto ee Gobolka Sool , Maamulaha Guud ee Machada Sh Yuusuf Haybe Ibraahim ahaa shakhsiyad ku Takhasusay Maamulka iyo Tayaynta ardayda ayaa gacan weyn ka gaystay inay  ay soo saaraan Bahda Machada Alfurqan Ardayda ugu Tayada wanaagsan ee Sanad walba u soo baxa Bulshada , iyadoo Bulshada Gobolka Sool iyo Nawaaxigiisaba ay ku diirsadeen Ardayda Tayada leh ee uu soo saaro Machadka Alfurqan ee Barashada Shareecada Islaamka.
Ardayda ka baxda Sanad walba waxay Culimo ka noqdaan Magaalada Gudeheeda , Tuulooyinka , iyo Dhulalka fog fog ee Baadiyaha Tirada guud ee ka baxday Machadkan ayaa ah Lix Dufcadood oo iskugu jira Inamo iyo Hablo kuwasoo maanta Bulshada u ah Barayaal , iyo Hogaan xagga ku dhaqanka Shareecada Islamka iyo Hab la dhaqanka Bulshada .
Ugu Danbayntii Shiikh C/Naasir Xaji Axmed oo ka mid ah culimada Gobolka Sool oo dadaal badan ku bixiyey in Midho wanaagsa ay a soo baxaan Mac-hadka Al-Furqaan ee magaalada Laascaanood ayey ardaydu  iyo bulshada ku dhaqan Laascaanood ay ugu duceeyeen dadaalka dheer ee ay culimadu u bixisay in da’yarta soo koraysao aqoontooda diiniga ah iyo midda Maadiga ahba kor loo qaado.

no images were found

 Mawliid Isma Haradigeed  
Laascaanood Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online