Ciidanka Gaashaan oo lagu weeraray Degmada Waabari Ee Gobolka Banaadir
January 4, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Weerar ismiidaamin ah ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Xeradii Afisyooni waxaana weerarka lagu qaaday ciidanka DFS gaar ahaan kuwa nabadsugida ee Gaashaan.
Weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa waxaana weerarka uu geystay khasaaro kala duwan waxaana weerarka lala eegtay ciidanka Gaashaan xili ay marayeen agagaarka Xeradii Afisyooni .
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha gaaray ciidanka la weeraray iyo shacab ku dhawaa goobta uu weerarka ka dhacay .Ciidanka Gaashaan ayaa waxaa ay ku sii jeedeen dhanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Ciidamo faro badan oo ka tisan kuwa DFS ayaa soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay waxaana goobta laga qaaday qaar ka mid ah ciidanka DFS oo qaraxa ku dhaawacmay .
Qaraxyada Ismiidaaminta ayaa waxaa inta badan adeegsada kooxda Al-Shabaab iyaga oo aan kala soocin shacab iyo ciidan .
A/Cawale
Halgan.net