Mutamarkii Islaamiga ee ka socday Sout Afrika oo la soo gabagabeeyey

January 5, 2015 - Written by Editor

2Maanta oo tariikhdu tahay 5/01/2015 waxa si rasmi ah u soo gaba gaboobay Mu,tamarkii ka socday dalka South Africa ee biloowday 24/12/2014. Kulankan oo ahaa kii 5aad ee lagu qabto dalka Koonfur Afrika ayaa xiisa gaara lahaa iyadoo culumada duruusta bixinaysay ay ahaayeen intooda badan culumo kulansatay cilmiga sharciga ah iyo culuumta maaddiga ah. Waana kulankii ugu horeeyay oo ay si wayn uga faa,iidaysteen duruusti ka baxday Mu,tamarka muslimiinta aan soomalida ahayn ayadoo duruusta qaar kamida laga soo jeediyay idaacadaha afka English-ka ku hadla ee dalkan iyo masaajiddo ay leeyihiin muslimiinta Sout Afrika
Waxaa kale oo sanadkan ku cusbaa kulan diineedkan koorsooyin gaar u ahaa ardaydada dalkan wax ku barata iyo dumarka. Culumadu waxay lugta mariyeen 7 gobol oo kamida 9-ka gobol ee uu waddankani ka kooban yahay iyagoo xoogga saaray culumadu wacyigalinta jaaliyadda balaadhan ee soomaaliyeed ee dalkan ku dhaqan.
Kasokow duruusta culumadu ay ka bixiyeen masaajidda waxaa kulamo waawayn lagu qabtay 5-ta markaz ee ay somalidu kuleedahay dalkan mulki iyo maamulba, maraakiztaas oo uu gacanta kuhayo golaha dacwada ee Albayaan, kuna kala yaal magaalooyinka ugu muhiimsan dalkan.
Culumadu waxay si hagar la,aana uga jawaabeen intii duruustu socotay su,aalo aad u tirabadan oo la xidhiidha qayba badan oo nolasha taabanaya sida mushkilado la xidhiidha dhanka qoysaska, ganacsiga, caqiidada, cibaadada iwm.
Dadwaynaha soomaaliyeed ee dalkan ku dhaqan ayaad wajiyadooda ka dheehan kartay intii duruustu socotay farxad iyo raynrayn, iyagoo safaf dhaadheer u galayay salaanta culumada marka ay duruustu dhamaato.

Golaha albayaan wuxuu si wayn ugu mahad celinayaa dhammaan dadkii ka qayb qaatay guulaysiga mu,tamarkan 5aad ee maanta la soo afmeeray. Si gaara wuxuu goluhu ugu mahad celinayaa Radio Halgan iyo Radio Al-Xikma oo kaalin lama ilaawaana ka qaatay gudbinta duruustii Mu,tamarka.

Xafiiska guud ee warfaafinta golaha dacwada
ee Albayaan(Cape Town)

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online