Islaamka iyo Qabyaalada Sh.Muxamed Macalin Axmed.[Masawiro]

January 8, 2015 - Written by Editor

Qabyaalada-Sh.Muxamed-MacalinGaalkacyo:- Iyadoo Mushkilada dalka Soomaaliya ka taagan ay sal u tahay is riixriixa Qabaa’ilka ayaa Muxaadaro ku saabsan Qabyaalada iyo Islaamka waxa uu ka qaba waxaa Sh.Muxamed Macalin Axmed uu ku qabtay Masjidka Ramadaan ee Magaalada Gaalkacyo Xaafada Garsoor.

Muxaadarada ayaa Shiikhu waxaa uu ku faahfaahiyay Qodobada kala ah :

1-Qeexida Qabyaalada: Qabyaaladu waa inaad la jirtid Qabiilkaaga gar iyo gardaraba, Miisaanka aad Dadka ku fiirinaysidna uu noqdo Qabiilka Sharaf iyo la’aanteed intaba.

2-Tilmaamaha Qabyaaladii Islaamka ka hor: Gaaladii Carabeed ee lagasoo saaray Nabi Muxamed waxay ahaayeen kuwo ay aad ugu dheertay Qabyaaladu Tilmaameheedana waxaa kamida:

  1. Xadgudubka (Dulmiga).T.Faanka (anaa reeb Hebel ah).J.Aano Qabiil X.Inay u kacaan Qof walba oo Qabiilka kamida oo ugu yeera Dagaal iyagoon fiirin ma saxan yahay mise ma saxna.

Shiikhu waxaa uu soo qaatay Qabayo Cadaynaya Tilmaamahaas waxaana kamid ahaa:

3- Islaamka iyo waxa uu ka qabo Qabyaalada ama Meesha uu ka joogo: Islaamka waxaa uu diiday in Qabiilka la iskugu faano ama isaga dartii la isku dulmiyo ama Dadka lagusoo kala dhawayto waxaana uu dajiyo Qaacidooyin ay kamid yihiin:

  1. Waxaa idinkugu sharaf badan kan Alle ka cabsada.قال تعالى: (إن أكرمكم عند الله أتقاكم)
  2. Dadka Iimaanka leh waa Walaalo dhib iyo dheefba wadaaga.وقال جل وعلا: (إن المؤمنون إخوة)
  3. Xariga ilaahay wada qabsada oo isagu ha idin kulmiyo.وقال سبحانه: (واعتصمو بحبل الله جميعا ولاتفرقوا)
  4. Wanaaga isku kaalmaysta oo Xumaan ha isugu kaalmaynina. وقال عز وجل: (وتعاونوا على البر والتقوى ولا تعاونوا على الإثم والعدوان)

Si kastaba ha ahaatee muxaadaradaani ayaa waxaa ay qab ka tahay Muxaadarooyin dhawr ah oo maal mahaan ay kasoo jeedinayaan wafdi culimo ah oo jooga magaalada Gaalkacyo uuna horkacayo Sheekh Maxamed Macalin Axmed.

no images were found

Cabdiraxmaan Cabdinuur Cabdulaahi

Madaxa Warfaafinta ee Mu’asasada Al-Minhaaj

 

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online