Agaasimaha iyo Tifaftiraha Idaacada Risaala oo xabsiga la sii daayey

January 8, 2015 - Written by Editor

risalaMuqdisho:-Ciidanka amaanka ee DFS ayaa waxaa ay maanta xabsiga ka sii daayeen Agaasimaha Idaacada Risaala Maxamed C/wahaab iyo Tifaftiraha Idaacada Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar waxaana ay ciidanka  Nabadsugida Gobolka Banaadir u xirnaayeen mudo 5 maalin ah.

Waxaa wili ku xiran  xabsiga Ciidamada Nabadsugida Gobolka Banaadir wariye kale oo ka tirsan Idaacada Risaala oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi oo ahaa wariyihii sii daayey in cudurka Ebola laga helay gobalka Sh Hoose.

Wasaarada Caafimaadka ee DFS ayaa si adag u beenisay in cudurka Ebola laga helay Soomaaliya waxaana ay ku tilmaamatay warka ay faafisay Idaacada Risaala mid been ah oo sal iyo raad toona lahayn.

Tifaftiraha Idaacada Risaala Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar oo la hadlay saxaafada markii xabsiga laga sii daayey ayaa wuxuu  sheegay in intii ay xirnaayeen aan wax dhibaato ah loo geystan xaaladoodana ay wanaagsan tahay.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online