Terminalka cusub ee garoonka Diyaaradaha magaalada Qardho oo la dhagax dhigay.[Masawiro]

January 9, 2015 - Written by Editor

3Qardho:-Munaasabad lagu dhagax dhigayo Terminalka garoonka diyaaradaha Magaalada Qardho ayaa waxaa ka soo qaybgalay Maaamulka Gobolka Karkaar, kan Degmada Qardho, Masuuliyiinta Garoonka, Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Dowlada Puntland, Ganacsato, Aqoonyahano iyo waxgarad kale waxaana si wadajir ah u dhagax dhigay terminalka garoonka Gudoomiyaha Gobolka Karkaar C/quraan Maxamed Aadan Duqa degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise iyo Xildhibaan C/rizaaq Muuse Maxamuud dhaga hore.

Munaasabada dhagax dhiga ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay duqa Degmada Maxamed Siciid Ciise hogaamo oo sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin howlaha ka socda garoonka oo hada ladhagax dhigay terminalka garoonka sidoo kalena ay dayactir ay ku socoto run way ga garoonka wuxuuna aad ugu mahadceliyay dhamaan bulshada ku nool magaalada qardho iyo dowlada Puntland oo iska kaashaday dhamaan howlaha dhismo ee ka socda Garonka.
Gudoomiyaha gobolka karkaar C/quraan maxamed Aadan ayaa dhankiisa u mahaceliyay shacabka sida wayn uga qaybqaatay dhismooyinka kasocda garoonka wuxuuna baaq u jeediyay jaaliyada kasoo jeeda gobolka inay ka qaybqaataan dhismaha terminalka garoonka.

Dhanka kale C.qaadir yaasiin Maxamed oo ah gudoomiyaha NGO ga PDO (Puntland Development Organization) sidoo kalena ah ganacsade ayaa dhankooda sheegay ka bulsho ahaan inay ka qaybqaadanayaan dhismaha terminalka Garoonka iyo dayactirka Run Way ga bulshadana wuxuu ugu baaqay inay dhamaystiraan terminalka Garoonka oo lagu qiimeeyay inay ku baxayso lacag gaaraysa $ 28000 (labaatan iyo sideed Kun oo dolar).

Xildhibaan C/rizaaq Muuse Maxamud oo gabagabadii Munaasabada dhagax dhiga ka hadlay ayaa sheegay in shacabka gobolka karkaar ay qabteen wax lagu faani karo mantana uu goobjoog u yahay dhagax dhiga terminalka Cusub ee garoonka diyaaradaha magaalada Qardho sidoo kalena uu soo indha indheeyay dayactir ku socda Run way ga garoonka uuna aad ugu mahad celinayo bulshada ku dhaqan gobolka.

Dhagax dhiga terminalka iyo dayactirka ku socda run wayga diyaarada ayaa waxa ay imaanayaan ka dib markii maalmo kooban la joojiyay duulimaadyadii ka degi jiray garoonka si looga gudbo caqabado ku yimi diyaaradihii ka soo dagay garoonka.

no images were found

Daauud Maxamed Xasan
Qardho-Puntland-Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online