Xafladdii soo dhoweynta Boqor Burhaan Boqor Muuse ee magaalada Oslo, Norway.[Masawiro]

January 12, 2015 - Written by Editor

2Oslo:-Xaflad si heer sare loo soo qabanqaabiyey ayaa xalay ka dhacday magaalada Oslo ee caasimada dalka Norway. Xafladda waxaa ka soo qayb galay Soomaali fara badan oo ka kala yimid magaalooyinka Norway. Xafladda waxaa ka hadley dad isugu jiray aqoon yahanno iyo odey-dhaqameedyada Soomaaliyeed.

Xafladdaani waxay aheyd xaflad-dhaqameed, tii ugu horreysay nooceeda, oo lagu qabto Norwey.Odey- dhaqameed yadii ka hadlay xafladda waxaa ay ku sheekeeyeen taariikhda iyo heerarkii ay soo martay boqortooyada Bari.

Waxay kaloo ku dheeraadeen sida ugu haboon ee dib loogu soo celin lahaa midnimada ummadda soomaaliyeed. Waxayna ka codsadeen Boqor Burhaan Boqor Muuse in uu arrintaas qeyb libaax ka qaado. Odey-dhaqameedyadii goobta ka hadalay ayaa sheegay in boqor burhaan boqor muuse ay u aqoonsan yihiin boqorkii beelaha Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah madax-dhaqameedyada ayaa u soo jeediyey in wax laga bedalo qaababka loola dhaqmo beelaha qaarkood. Waxay boqorka u sheegeen cabashada beelaha la takooro. Beeluhu waxay cabasho u soo jeedinayaan dawladda puntland, waxayna ka codsanayaan in dowladdu ay ka noqoto samaynta iyo magacaabista MAALINTA DADKA LA TAKOORO, taasoo ay sheegeen in bulshadaas u arkaan iyagoo awalba dulmanaa in maalin loogu magac daro loo sameeyo.

Cumar Jaamac Cali Jiir oo ku hadlayey magaca wafdiga boqorka beelaha Soomaaliyeed boqor Burhaan boqor muuse ayaa ka sheekeeyey safarkii ay ku soo mareen dalka Sweden, wuxuuna keddib ku soo dhoweeyey makaroonka boqor Burhaan.

Boqorku wuxuu ugu horreyntii u mahadceliyey dadkii soo qabanqaabiyey xafladda, kasoo qaybgalayaasha iyo wariyaasha. Keddib wuxuu sheegay in ujeedaha safarkiisa ay la xiriirto qabashada shirweyne nabadeed oo ay ummadda Soomaaliyeed dhowaan isugu imaan doonaan.

Boqorku wuxuu dadka soomaalyeed ka codsaday in ay iscafiyaan oo ay ka shaqeeyaan midnimada ummadda soomaaliyeed; inay dadka deggan dalalka ay ku nool yihiin ay si ixtiraam leh ula macaamilaan; inay iska dhaafaan oo ka koraan isqabqabsiga iyo iscolaadinta ka dhex taagan ururada qurbajoogta Soomaalida oo ay ka shaqeeyaan midnimadooda. Boqorku wuxuu sheegay in uu wax ka qaban doono, intii karaankiisa ah arrimaha nabadeynta.

Sidoo kale wuxuu ka codsaday in si fiican loo dhammeeyo wixii khilaaf ah ee u dhaxeeya beelaha soomaaliyeed oo walaalaha ah. Ugu dambeyntii boqorku waxaa uu ugu duceeyey ummadda soomaaliyeed ee walaalaha ah in Ilaah waafajiyo wanaaga, tusana tubta toosan. Xafladdaasi waxay ku soo gabagabowday jawi farxadeed.

no images were found

Filmkii laga duubay xafladda mar dhow ka fiirso website(ka).

Farah Yassin Osman
Fyok78@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online