Ciidanka DFS iyo kuw Al-Shabaab oo dagaal ku dhexmarayo deegaanka Tarako ee gobalka Gedo
January 13, 2015 - Written by EditorGedo:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhexeeya ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab uu ka socdo deegaanka Tarako oo qiyaas dhan 50 KM ka xiga dhanka galbeed ee degmada Baardheere.
Dagaalka ayaa waxaa qaaday ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM waxayna ku qaadeen deegaanka Tarako oo ay gacanta ku hayeen ururka Al-shabaab ,dagaalka ayaa ah mid culus waxaana ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay ka yimaadeen deegaanka Buuzaar iyo degmada Ceel-waaq.
Ilaa haatan lama yaqaan khasaaraha kala gaaray labada dhinac waxaana degaanka uu dagaalka ka socdo ku sii qul qulaya ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya. Saraakiisha ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa in badan sheegay in ay qorsheynayaan in ay qabsadaan Degmada Baardheere oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab balse wili kuma aysan guuleysan.
A/Cawale
Halgan.net