Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo qaabkii loogu soo dhaweeyey Buuhoodle.[Masawiro]

January 14, 2015 - Written by Editor

IMG_82881Buuhoodle:-Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta waaberigii 14, January, 2015 ka anba baxay caasimadda Puntland ee Garowe , waxayna u kicitameen magaalada buuhoodle ee xarunta gobolka cayn.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliya qaar ka mid ah golayaasha Dawladda Puntland , saraakiisha ciidamada iyo xubno kale, waxayna sii mareen deegaano fara badan oo ka tirsan Gobolada Sool iyo Cayn isyagoo soo dhoweyn aad u diirana kala kulmay dadweynaha deegaanadaasi, wuxuuna Madaxweynuhu u sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashadiisa uu ku yimi deegaanda Sool iyo Cayn, isla markaana uu sii joogi doono maalmaha soo socda.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka cayn, waxayna dadweynuhu wafdiga madaxweynaha kaga hor yimadeen meel 50-km u jirta magaaladaasi.

Madaxweyne Camey ayaa soo dhoweynta ka dib dadweynaha kala hadlay barxadda weyn ee garoonka kubadda cagta ee Buuhoodle, wuxuuna bulshada uga mahad celiyay sida aadka u diiran ee ay usoo dhoweeyeen isaga wafdigiisa, isla markaan wuxuu u sheegay inuu maaalmaha soo socda joogi doono magaalada kulamo kala duwana uu la qaadan doono bulshada buuhoodle.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa maalinta berri ka qayb gali doona munaasabadda caleema saarka Garaad Cabdirsaaq Garaad Soofe taasi oo ka dhici doonta magaalaada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.

Soo Dhoweynta madaxweyne Camey waxaa sidoo kale ka qayb gala ciidamada kala duwan ee Puntland kuwaasi oo jooga magaalada Buuhoodle iyo deegaanada ku dhow, wuxuuna Madaxweynuhu salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamadaasi.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta Hiddaha Iyo Dhaqanka
ee
Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online