Maamulka Degmada Luuq oo sheegay in uu isku dhiibay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab
January 15, 2015 - Written by EditorLuuq:-Wararka naga soo gaaray Gobolka Gedo gaar ahaan degmada Luuq ayaa sheegay in shalay uu isku dhiibay Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ee degmada Luuq Sarkaal ka tirsanaa ururka Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay Sheekh Cismaan Sheekh Maxamed.
Taliyaha Ciidanka Booliska ee Degmada Luuq, Siyaad C/qaadir Maxamed oo saxaafadda la hadlay ayaa u xaqiijiyey in uu isku soo dhiibay Sarkaalka tirsanaa Al-shabaab isaga oo wada qoriga AK-47 iyo booshadahiisa.
Taliyaha Ciidanka Booliska ee Degmada Luuq, Siyaad C/qaadir Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in sarkaal isku soo dhiibay uu ahaa Taliyihii Ciidanka Al shabaab ee ka dagaalamaaya Degmada Diinsoor.
Taliyaha Ciidanka Booliska ee Degmada Luuq, Siyaad C/qaadir Maxamed ayaa ugu baaqay dhalinyarada ka tirsan Al-shabaab in ay isku soo dhiibaan ciidanka Dowladda cid walba oo isa soo dhiibtana ay soo dhaweyn doonaan.
Ma jiro ilaa hadda masuul a tirsan Al-shabaab oo ka hadlay sheegashada Saraakiisha ciidanka dowladda Federaalka ee Gobolka Gedo ay ku sheegteen in Taliyihii Ciidanka Al shabaab ee ka dagaalamaaya Degmada Diinsoor uu isku soo dhiibay.
A/cawaale
Halgan.net