Xafladii Caleema saarka Garaad C/risaaq Garaad Soofe oo soo idlaatay.[Masawiro]

January 15, 2015 - Written by Editor

grdBuuhoodle:-Waxaa Subaxnimadii saaka ka bilaabantay Xafladii lagu Boqrayey Garaadka Beesha Axmed Garaad, Garaad C/risaaq Garaad Soofe oo buuxiyey booskii Garaadkii hore ee Garaad C/llaahi Garaad Soofe oo bishii Ramadaantii hore dhintay Allaha u naxariistee .

Xaflada caleema saarka Garaad C/risaaq Garaad Soofe  ayaa waxaa ka soo qayb galay Odayaal dhaqameed, Garaado ,  Guurti , Cuqaal , Culumaa’u diin , Aqoonyahano , Ganacsato , Masuuliyiin , Madax, Haween , Ururada Bulshada , Sulaadiin , iyo Abwaano heer qaran ah  ayaa gole joog  ka ahaa, Xafladan Taariikhiga ah ayaa ka dhacaday beeraha balliga Buuhoodle .

Xaflada caleema saarka Garaad C/risaaq Garaad Soofe ayaa waxaa ka soo qayb galay Garaad Mashqare, Garaad Jaamac Garaad Cali , Garaad Abshir Saalax ,Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Saleeban Burale ,Ugaas Cabdi Rashiid, sidoo kale Issimo, Salaadiinta, guud ee beelaha Isaaq, Gadabiirsi, Majeerteen , Warsangeli iwm.

Xaflada caleema saarka Garaad C/risaaq Garaad Soofe ayaa waxaa kale oo goob joog ka ahaa Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland oo Eng. C/Xakiim C/Laahi Xaaji Cumar Cameey.

Ugu horreyn waxaa Munaasbada lagu furay Aayadaha Qur’aanka , iyo wacdi ay soo Jeediyeen Culimadu , waxaa xigay in laga soo Jeediyey Suugaan, Gabayo , iyo Geeraaro , Waxaa kale oo Madasha ka hadalay Odayaasha dhaqameedka Waawayn ee Beelaha ka oo qayb galay.

Waxaa lagu soo dhaweeyey Madasha Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland, Eng C/Xakiim C/llaahi Xaaji Cumar Cameey , Wasiirka Caafimaadka Somaliland Mudane Xaglo toosiye iyo marti sharaf kale.

Gabagabadii  ayaa waxaa Garaadka Beesha Axmed Garaad, Garaad C/Risaaq Garaad Soofe ku caana shubay Garaad Jaamac Garaad Cali, Xaflada caleema saarka  ayaa waxaa ka soo qayb galay  dad lagu qiyaasay 12,000 oo Qof ugu yaraan iyadoo ay hawshu u socotay si hab sami ah.

Xaflada caleema saarka Garaadka Beesha Axmed Garaad, Garaad C/Risaaq Garaad Soofe ayaa   soo dhamaatay wajigii koowaad ee munaasabada iyado Soo afmeeri doonta Galabnimada Maanta hadii Alle idmo .

no images were found

Mawliid Isma Haradigeed
Buuhoodle , Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online