Culumada PL oo ka hadlay gafka uu wargeyska Charlie Hebdo u geystay Nebigeena Muhamed صلي اللة علية وسلم [Video]
January 18, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Culumo’diinka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Garoowe iyo magaalooyinka kale ee deegaanada Puntland ayaa waxaa shalay waxaa ay uga hadleen khudbooyinkii Jimcaha aflagaada foosha xun ee uu wargeyska Charlie Hebdo u geystay Nebigeena Muhamed naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.
Culumo’diinka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay dadweynaha u sheegeen in arrinka uu ku kacay wargeyska Charlie Hebdo aysan ahayn wax cusub oo Yahuuda iyo gaalada kale ay sidaas iyo si la mid ah u caayi jireen Nebigeena Muhamed naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee iyo anbiyadii kale ee Alle u soo diray.
Culumo’diinka Soomaaliyeed ayaa xusay in dhaqan xumada ay la soo baxeen saxaafadda reer Galbeedka ay ku tarjumayso nacaybka ay u qabaan Nebigeena Muhamed naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee iyo weliba diinta Islaamka ayna beenowday wax ay ugu yeeraan Ixtiraamka diinaha ama Muqadasaadka.
Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf oo salaaddii Jimcaha ka dib la hadlay dadweynihii soo xaadiray Khudbada in wax laga xumaado ay tahay in saxaafadda reer Galbeedka ay gaf intaas le’eg u geystaan Nebigeena Muhamed naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee balse alle uu ka kaafiyey Nebigeena Muhamed naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee aflagaada Yahuuda iyo Gaaladda oo waxba aysan u dhimi karin sharaftiisa allena ka ilaaliyey xumaan tooda.
Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa xusay in dadka muslimiinta ay Nebigeena Muhamed naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee loogu gargaari karo in sunadiisa iyo dariiqiisa la raaco lana nooleeyo isagoo ku booriyey dadweynihii dhagaystay khudbda in Alle laga baqo oo la barto shareecadda Islaamka akhlaaq wanaagsana lala yimaado.
Hoos ka Daawo Tacliiqii khudbadii Jimce ee Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf uu jeediyey
Dhinac kale Sh C/raxmaan Macalim Ibraahiim (Bindiiriye ) , Sheekh Cabdi Qani Qorane , Sh Axmed Cabdisamad ayaa sidoo kale khudbooyin ay ka jeediyeen Masaajidda ku yaal magaalada Garoowe uga hadlay aflagaadhada loo gaystay Nebigeena Muhamed naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee .
Hoos ka Daawo khudbadii Jimce ee uu jeediyey Sh.Cabdi Qani Qorane
Nuur Jaamac
Garoowe,Halgan.net