Ra’iisul Wasaaraha DFS oo dib u eegis ku sameyn doona Golahiisa Xukuumadda
January 16, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Warar naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake uu qoraal codsi ah u diray gudoomiyaha baarlamaanka DFS Maxamed Sh Cismaan Jawaari wuxuuna ka codsaday in 14 cisho la siiiyo si uu dib u eegis ugu sameeyo Golahiisa Xukuumadda ee uu dhawaan uu soo dhisay.
Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo wareed ku dhow xafiiska Ra’iisul wasaaraha DFS ayaa sheegaya in maalinta birito ah uu gudoomiyaha baarlamaanka uu ka hor akhrin doono golaha Shacabka codsiga R/W Sharmaarke.
Ilo wareedka aan xogta ka helnay caawa ayaa sidoo kale noo sheegay in Ra’iisulwasaare Sharmaarke la filayo in uusan maalinta birito ah uusan hortagi doonin golaha Baarlamaanka ee DFS.
Kulan albaabada u xiran yihiin ayaa wuxuu caawa ku dhex maray xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud ,Ra’iisulwasaare Sharmaarke iyo Gudoomiyaha golaha baarlamaanka DFS Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari .
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ay isku raaceen in xukuumada dib u eegis lagu sameeyo jagooyinka wasiirada qaarkood.
Xildhibaanada DFS ayaa diiday oo buuq ka keenay qaar ka mid ah wasiirada uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Sharmaarke waxaana ka mid ah Wasaarada Cadaalada ,Wasaarada Arrimaha Gudaha .Wasaaraha Amniga ,iyo Wasaarada Maaliyada oo dhamaantood ka mid ahaa xukuumaddii hore ee Ra’iisul wasaare Cabdi weli Sh axmed.
Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net
A/Cawale
Halgan.net