Hay’adda culumada Soomaaliyeed oo bayaan ka soo saartay kulankii R/W Sharmaarke (Akhriso)

January 22, 2015 - Written by Editor

2Muqdisho:Hay’adda culumada Soomaaliyeed ayaa Warsaxaafadeed ka soo saaray kulankii ay shalay la qaateen Raisulwasaaraha DFS Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke waxaana ay Hay’adda culumada soomaaliyeed talooyin u soo jeediyeen Madaxda dalka Soomaaliya.

Shabakada Wararka Halgan.net ayaa waxaa soo gaaray nuqul ka mid Bayaanka Hay’adda culumada soomaaliyeed  wuxuuna u qornaa sidan

Hay’adda culumada soomaaliyeed ayadoo gudanaysa waajibka naseexada iyo ka qayb qaadashada ilaalinta danta guud , ayay la kulantay Raiisul wasaaraha Jamhuuriyadda Fidaraalka soomaaliyeed mudane Cumar Cabdi rashiid Cali Sharmaarke, Taariikh: arbaco,01/04/1436H – 21/01/2015.

Kulanka waxaa lagu caddeeyay kaalinta culumadu ku leeyihiin hoggaanka ummadda soomaaliyeed , gaar ahaan marxaladda adag ay hadda marayso, iyo xilka ka saaran wacyi galinta ummadda, soo gudbinta fahamka saxda ah ee diinta islaamka ,iyo ka hortagga afkaarta ku salaysan gaalaysiinta iyo bannaysiga dhiigga muslimiinta.

Culumadu waxay afka ku adkeeyeen baahida loo qabo midnimada iyo wada shaqaynta madaxda, hay’adaha dowladda iyo dhammaan qaybaha bulshada soomaaliyeed, waxayna bogaadiyeen dadaalada Raiisul wasaaraha ee ku aadan arinkaas.

Hay’adda culumadu waxay soo jeediyeen in xilalka loo magacaabo dad leh karti iyo diin , laguna hallayn karo howlaha culus oo loo idmaday.

Kulanka waxaa la wadaagay talooyin ku saabsan xoojinta iskaashiga xukuumadda iyo culumada si loo guto waajibka naga saran dalka, dadka iyo diinta.

no images were found

Ugu dambayntii , hay’adda culumadu waxay uga mahad celinaysaa Raiisul wasaaraha , fursadda kulankaan qiimaha badan ,iyo soo dhawaynta talooyinka culumada , waxaana ilaahay uga baryaynaa in uu u fududeeyo howlaha culus ee horyaal.

وبالله التوفيق
Guddiga fulinta hay’adda culumada soomaaliyeed

Muqdisho – Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online