Madaxweynaha DFS Xasan Sh oo ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ee ka dhacay Hotel SYL (Dhageyso)
January 22, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta socdaal ku tagay hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo uu maanta ka dhacay qarax Ismiidaamin ah kaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Saraakiisha ciidanka DFS ayaa warbaahinta u sheegay Qaraxa ay ku dhinteen 5 qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen raggii weerarka ku qaaday hotelka SYL kana tirsanaa kooxda Al-Shabaab 3 kale ayaa ahaa laba askari iyo qof dumar ah .
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay Hotelka SYL saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka ee DFS waxaana ay ka wada hadleen adkeynta amaanka wuxuuna amaan u jeediyey ciidanka ilaalada ka hayey Hotel SYL .
Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud ayaa sheegay in wax saameyn ah uusan ku yeelan doonin weerarka ismiidaaminta ee ka dhacay Hotel SYL booqashada madaxweynaha dalka Turkiga uu ku imaan doono maalinta berrito magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha DFS ayaa sheegay in uu fashilmay qorshihii Al-Shabaab ku doonayeen in ay wax ugu dhimaan amaanka magaalada Muqdisho wuxuuna ugu baaqay shacabka magaalada Muqdisho in ay la shaqeeyaan ciidanka amaanka DFS.
Hoos ka Dhageyso Madaxweynaha DFS oo Shirjaraa,id ku qabtay Hotel SYL ee magaalada Muqdisho
A/Cawale
Halgan.net