Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo Muqdisho ku soo wajahan.
January 25, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa la filayaa in uu saacadaha soo socda soo gaaro magaalada Muqdisho waxaana si weyn uga socda magaalada Muqdisho u diyaar-garowgii ugu dambeeyey ee lagu soo dhaweynayo madaxweynaha dalka Turkiya.
Waxaa aad loo adkeeyey amaanka magaalada Muqdisho iyada oo la xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho iyada oo ay saraakiisha amaanka iyo Madaxda DFS ay ku sheegeen ujeedooyinka loo xiray wadooyinka Muqdisho sugida amaanka.
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan madaxeynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin ka tirsan DFS waxaa kale oo ku sugan garoonka diyaaradaha Aden Cadde Danjirayaaasha Somaliya u fadhiya dalal kala duwan.
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa xariga ka jari doona mashaariic kala duwan oo ay dowlada Turkiya ka fulisay magaalada Muqdisho.
Ma aha markii ugu horeysay oo uu socdaal ku yimaado magaalada Muqdisho Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan wuxuu horey u yimid sannadkii 2011 xili macaluul daran ay ka jirtay qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.
A/Cawale
Halgan.net