Ku-xigeenka wakiilka AU ee Soomaaliya oo gaartay magaalada Baydhabo
February 1, 2015 - Written by EditorBaydhabo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegay in wafdi ay horkacayso Ku-xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya Ms. Lydia Wanyota ay maanta gaartay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Ms. Lydia Wanyota ayaa waxaa ku soo dhaweeyey magaalada Baydhabo masuuliin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana ay kormeer ku sameysay intii ay joogtay magaalada Baydhabo isbitaalka guud ee magaalada.
Ku-xigeenka wakiilka AU ee Soomaaliya ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaadatay wasiirro ka tirsan maamulka KMG ah ee Koonfur galbeed Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, kan degmada waxaana ay laba dhinac ka wada hadleen sidii Maamulka KMG ah ee Koonfur galbeed Soomaaliya looga taageeri lahaa ,Caafimaadka ,Amniga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha .
Wasiirka caafimaadka ee maamulka Koonfur galbeed Isaaq Cali Subag oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulamada ay la qaateen Ms. Lydia Wanyota ay guul ku soo dhamaatay.
Ku-xigeenka wakiilka AU ee Soomaaliya Ms Lydia ayaa u mahad celisay Masuuliinta maamulka KMG ah ee Koonfur galbeed Soomaaliya sida ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Baydhabo .
A/Cawale
Halgan.net