Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Nugaal oo soo dhaweysay Ganacsato Caan Ah (Masawiro)

February 2, 2015 - Written by Editor

25Garoowe:-Kulan lagu soo dhaweynayey ganacsato caanka ah geeska Afrika ayaa maanta waxaa uu ka dhacday Hoolka shirarka ee Jaamacada Bariga afrika faraceeda Garoowe. Kulankaan ayaa waxaa
ka soo qayb galay Madaxda jaamacada Bariga Afrika Ardayda, Culimo’udiin, Gudoomiyaha Boorka Shirkada Golis, Gudoomiye ku xigeenka guud ee jaamacada Bariga Afkriga faraceeda Garoowe,Sheekh Maxamed Maxamuud Ciise(Awoowe) iyo marti sharaf kale.

Masuuliyiinta Jaamacadda bariga Afria ayaa si heer sare ah waxaa ay soo dhaweeyeen ganacsato iyo culimo ka yimid dalalka Uganda iyo Kenya.

Wafdigaan ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Garowe ayaa galabta  wacdi , dardaaran iyo dhiirigalin iskugu jiray u soo jeedshay boqolaal arday ah oo waxkabarata jaamacada bariga afrika .
Waxaana ugu horayntiiba kulanka ka hadlay soona dhaweeyay gudomiyaha jaamacada bariga afrika faraceeda gobolka Nugaal Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf waxaana uu ku sifeeyay kulankaan in uu yahay mid cadaynaya in jaamacada iyo ardayda waxkabarata ay yihiin kuwa nasiib badan maadaama ay horfadhiyaan maantay ganacsatadii geeska afrika .

Waxaana  sheekhu uga mahadceliyay waftiga waqtiga qaaliga ah ee ay u soo hureen jaamacadda iyo ardayda waxkabarata.

Intaas ka dib waxaa lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Ganacsatada dalka Kenya Xassan Guuleed waxaana ganacsade Xassan ugu horayntiiba u mahadceliyay maamulka iyo ardayda jamaacada waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in maanatay kalimad ka yiraahdo Jaamacada bariga afrika oo ah hooyada waxbarasha Puntland.

Waxaana uu ardayda ugu baaqay in ay siiwadaan dadaalkooda isagoo yiri waxaad tihiin madaxdii mustaqbalka dhow wadankaan maamili lahayd sidaas darted waxaan idinka codsanayaa in aynan dayicin masuuliyada aad haysaan.

Waxaa isna lagu soo dhaweeyay Ganacsade ahna siyaasi caan ka ah dalka Kenya Cumar Xaaji Axmed  waxaana uu ardayda ka codsaday in ay eebe uga mahadceliyaan fursadaan ay haystaan sidoo kale waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay ardayda iyo dhalinta dalka ka tahriibaya waxaana uu yiri xaqiiq waxaa faqri ah wadamada aad u tahriibaysaan.

no images were found

Xafiiska warfaafinta ee Al-Minhaaj

Garoowe, Halgan.net

Leave a comment

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online