Ciidamo ka tirsan dalka Jabuuti oo hor leh oo soo gaaray magaalada Beledweyne.
February 13, 2015 - Written by EditorBeledweyne:-Ciidamo ka tirsan dalka Jabuuti kuwaas oo ka tirsan AMISOM ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana dowlada Jabuuti ay sheegtay in ay ciidamo hor leh geysay dalka Soomaaliya.
Ciidamada iyo Gaadiid badan oo ay leeyihiin dalka Jabuuti ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin howlgalka ay ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya kaas oo dhan ka ah kooxda Al-Shabaab.
Ciidanka ka socda dalka Jabuuti ayaa waxaa ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne.
Taliyaha ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan Col. Cismaan Dubbad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka soo gaaraya magaalada Beledweyne ay qeyb ka yihiin kuwa AMISOM.
Col. Cismaan Dubbad ayaa sidoo kale sheegay in guuta kale oo ka socda ciidanka Jabuuti ay soo gaari doonaan magaalada Beledweyne
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee DFS C/fitaax Xasan Afrax ayaa u mahad celiyey dowlada Jabuuti sida ay mar walba u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed .
C/Casiis Maxamed
Halgan.net