Arday Garoowe lagu sagootiyey kuna wajahan Machadka sare ee Ducaada Hargeysa

February 13, 2015 - Written by Editor

9Garoowe:-Xafladaan oo ahayd mid ay soo qaban qaabisay Mu’asasada Al-Minhaaj isla markaana si wanaagsan loo soo agaasimay kana soo qayb galeen dad magac ku leh bulshada sida Culimo’udiin, xubno kala duwan oo ka socday Dowladda Puntland oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane Cabdullahi Ciise Aw Axmed xubno ka mid
ah Xildhibaanada Dowladda Puntland iyo dad kale oo aad u fara badan ayaa waxaa lagu sagootiyey arday wax ka baran doonta Machadka sare ee Ducaada Hargeysa.

Waxaana ugu horayntiiba lagu soo dhaweeyay Cismaan Maxamuud Dirir oo Mu’asasada Al-Minhaaj Puntland u qaabilsan xiriirka gobollada ayaa ka war bixiyay xafladaan iyo aragtida ka danbaysay waxaana uu sheegay in ay howshan adag ay tahay mid ay ka fakareen culimadeena waaweyn gaar ahaan culimada macaahida sharcigaa waxaana ay dadaal dheer u galeen Mu’asasada Al-Minhaaj iyo Culimadu ay in badan iska kaashanayeen sidii lagu soo saari lahaa Culimo mustaqbalka umaddu aydo .

Waxaana uu sheegay in machadkaan uu ku yaal Magaalada Hargaysa waxaana Ardaygu qaadan doonaa mudada dhan 2sano Cilmi gun dhigiisu yahay Shareecada Islaamka.

Waxaa isna goobta ka hadlay Sh Axmed dheeliye oo hogaminayay Culimada ka timid Gobolka Mudug waxaana Sh. Axmed dheeli xusay  in ardaydaan uu u rajeynayo in ay ku guulaystaan howsha adag ee hortaal oo ah in ay u diyaar garoobaan in ay noqdaan culimadii  dalka

Waxaa sidoo kale ducaadaan cusub la dardaarmay Culimada waaway oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf waxaana sheekhu ku yiri hadallo qiiro iyo dhiiri galin xanbaarsan isagoo ducaadan cusub ee loogu magacdaray Culimadii Mustaqbalka ka codsaday in ay noqdaan kuwa ka soo baxa kaalinta laga filayo .

Isku soo wada duuboo dhamaan dadkiii goobta ka hadlay ayaa sheegay in howshaan tahay mid dhaxal gal ah.

Waxaana ugu danbayntii Xafladaan balaaran soo xiray Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdullahi
Ciise Aw Axmed waxaana uu sheegay haddii aan anigu maantay heli lahaa fursadaan oo kale waan ka
faa’ iidaysan lahaa waxaana uu u duceeyay Culimada Mustaqbalka iyo dhamaan intii ka soo shaqaysay howshaan dhaxal galka ah waxaana uu u dardaarmay Culimada Mustaqbalka in ay ka soo baxaan waajibaadka saaran .

no images were found

Xafiiska Warbaahinta
Mu,asasada Al-Minhaaj Puntland

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online