Yaa dhumiyay Heybadda Soomaali ee dalka Sudan ?W/Q Mahdi Muse Osman
February 15, 2015 - Written by EditorSudaan & soomaalinimada.Sudan waa dal xariir la leh somalida, waa dalka kali ah ee bixiya deeqaha waxbarasho, laga soo bilaabo intii burburkii dowladnimo ee somaliya ilaa maantadan. waa dal & dad xushmad & qadarin u haya shacabka somaliyeed. shacabka sudan waa Bulsho macaan, waa shacbka kali ah ee aad si isku mid ah ula fariisan karto midkooda u sareeya & kan u hoseeya. Waa dad soo dhoweyn badan, deeqsi ah, Kalsooni ku qaba qofka somaliga, waxaa xusid mudan in Somaliga loola dhaqmo asalkiisa soomaalinimo xataa hadii uu wato Jinsiyad kale. waxaa jira wadamo aan xariir socod kala dhaxeyn dalka sudan. Laakin qofka Somaliga ah ee wataa Jinsiyad ka mid ah wadamadaa maamulka dowladda sudan u qaabilsan I su socodka waa u soomaali. waxaa la oran karaa waa dal & dad qadariyay Somali ka badan inta Somali qadarin mudneyd, gaar ahaan xiligan uu magaca Soomali calaamad u noqday waxi xun oo dhan.
Deeqaha waxbarasho.
Sudan waxa ay bixisaa deeq waxbarasho oo sanadle ah. waxa ay haqabtiraan deeqahaa inta badan baahida ardeyda somaliyeed, deeqaha waxbarasho si siman oo nadiif ah ayaa loo maareeyaa. waxaa la siiyaa dowladda, Safaaradeeda khartum, Hey,ado Kheyri ah (NGO) tiro badan oo kala duwan. Ashkhaas magac ku leh bulshada soomaliyeed dhexdeeda, dhalin si gaar ah isku abaabushay oo magac wax u qabad bulsho sameysatay,taa waxaa sii dheer Deeqaha waxbarasho ee ay soomalidu ka helaan hey,adda dowladda sudan u qaabilsan qeybinta deeqaha waxbarasho ee wadamada muslimiinta. Intaaba waxa ay saameeysay Bulshadii soomaliyeed. sudan waxey noqotay dalka ugu tiro badan ee ay ardey soomaali ah dhigtaan kana soo qalin jabiyaan. tiro koobyadii u dambeeyay waxaa lagu qiyaasay in ardeydu ay kor u dhaaftey (5,000) shan kun. Taa oo cadeeyn u ah in sudan ay saameyn wax u tar ku leedahay dalka Qiyaas ah 50,000 oo qof sanadki, maxaa yeelay halkii ardey ee Somali ah waxa uu wax u tari karaa mustaqbalka dhow ugu yaraan toban qof & ka badan, maxaa ay noqon kartaa Boqolka sano ee soo socota…??? (Allaha ka abaal mariyo dalka & dadka reer sudan) .
Anshaxa ardeyda & dulqaadka Dowladda sudan.
Dowladda sudan ma mooga tirada aredeyda Somali ee intaa la,eg, si anshax & ixtrimaa ku jira ayaa hey,adaha khuseeya amniga bulshada ula dhaqmaan waxii dhaca oo gef ah, si aan caro & buunbuuinin la heyn ayeey ku dhamaadaan waxii Qaladaad ah ee laga helo ardeyda qaar. waa qiyaasi karnaa Somali intaa la eg in aysan wada Cumar aheyn. waxaa tilmaan mudan in ardeydi Somali ee hore ay ahaayeen tiro suurad qurxan ku naqshay dalka sudan, waxaana la oran karaa barrisamaadki ardayda sudan wuu dhacay gabbalkiisi, uma wado in gadaal dambe ay dhammaan ardeydu xun yihiin, laaakin waxaa is badalay anshaxi akhlaaqdi sharafti & dareen wanaaggi calaamadda u ahaa ardeydii barri samaadki hore.
Wajiga Labaad ee Sudan.
Waxaa kordhay qaladaadki, waxaa muuqday Gafaf badan oo lagu galayo magaca soomaali. waxaa ka sii daran in mararka qaar ay ardeydu xariir ku leeyihiin, waxaa soo if baxay kiisas badan oo xaaladiisu qaar ay gaarsiisan tahay heer laga dareemo in ammaanka dalku uu dhib u keeni karo. tirada i maatinka somalida ee Sudan ayaa noqtay mid soo jiidasho siisay Mas,uuliyiinta dalka sudan ee qaabilsan hijrada. Waxaa dhacda in hal maalin ay soo degaan boqolaal somali ah. waxaa ka sii daran in ay ku yimaadaan fiiso waxbarasho, qaarna fiiso caafimaad, waxaa furmay suuq ganacsi oo dadka ah, laakin wata magaca ah Hijro dibadeed, ama Tahriib sida aan u naqaan. ardey badan ayaa kiis dacwo ku lug yeeshay oo xariir la leh ka ganacsiga dadka, Hey,adaha sudan ee amnigu in badan waa ay cafiyeen, qaarna waxaa taladooda la wareegay safaradda somalida ee khartum, intaaba xad ah uma yeelin dhibkii ka taagnaa Tahriibka aan xadka la heyn ee dalka sudan ku soo qul-qulaya, waxaa ka daran in wadamada afrika qaar oo ay adagtahay in muwaadinku uu si sahlan uga baxo dalkiisa in ay soo qaataan baasaboorka somaaliga, waxaa ka sii daran oo ay wataan midka cusub ee Electronic ka ah,waa yaab…??? Waa dhibaatadii magaca soomaali oo la sii dhooqeeyay.
Tiradaa badan ee somalida waxaa ka dhashay in ay kororto tirada qof ee wata magaca somaali ee lagu soo qabanayo xaduuda sudan, si ay uga sii talaabaan wadanka liibiya, falkaa Khilaafsan qaanuunka dalka ee hijrada waxaa raad ku yeeshay Somali dalka gudihiisa joogta, tiro yar oo ardey ka saaqidday tacliinta ayaa dan ka dhigtay ka ganacsiga somalida, waqti dheer ayeey socotay dhibaatadan. Dowladda sudan & waliba soamlida inta kheyrka jecel ma eey helin xal waara oo lagu afmeeri karo muuqaalkan bahdilay magacii soomaaliyeed. Yaa la maciin bidaa…!!!!
Saafaraadda somalida ee khartum. waa jihada mas,uul ka ah magaca Somali, waa xafiiska uu leeyahay qof walba oo soomali ah oo jooga sudan. Waa goobta uu u ciirsada soomaligi ay dan ka sarruugto. Waa ilaaliyaha danta & magaca Somali ee sudan. waa isku xirka xariirka labada dal -Sudan & somaliya- Laakin amaano ahaan & Allaah oo igu og waxa aan qorayo Safaradda Khartum waa Masjidkii laga soo qeyliyay oo kale. !!!!!!!!!!!
Safaraadda Khartum ma noqon jiho nadiif ah, ma noqon Hey,ad u istaagta xalinta dhibka kala heysta shacabka Somaliyeed ee ku soo qul qulaya sudan & dowladeeda. ma awoodin in ay qanciyaan mas,uliyiinta sudan ee qaabilsan hijrada, iskada intaa. waxaa la sheegaa in ay jiraan qaladaad badan oo hawl wadeenada safaaraddu ay ku lug leeyihiin (waa baahanahay bakhtiga looma cuno), waa arinta ku saabsan dadka tahriibka ah. waxaa la ii sheegay in ay dhacday mar & ka badan in magaca safaradda ama qof wata magacaa in uu soo damiinto tiro Somali ah oo xaduuuda laga soo qabtay, si loogu sahlo in ay dib ugu nqodaan dalkoodi hooyo si sharciga waafaqsan, Laakin ma dhacin mana dhacdo. waxaa Mas,uuliyiinta ammaanka ee sudan Amakaag ku noqday in tiro dhowr jeer ah uu soo noqdo kiis dhowr Somali ah oo horay safaaradu u damiinatay hadana aan la dhoofin oo xaduuda laga soo helay. Maxaa la gudboon mas,uuliyiinta sudan ee amaanka hadiiba safaradii aan la aamini karin…???
Maalinta 20_Jan ee sanadkan ayaa hey,adda qaabilsan socodka & imaatinka dalka waxa ay soo saartay wareegto ay ku cadeyneyso in Baasaboorka soomaalida aan la siin karin Fiiso soo galitaan ah, ayaga oo tiigsanaya intaa qalad ee aan soo sheegnay oo ay somalidu leedahay. waxaa lagu wargaliyay Heyadda amaan ee Airbortka in uu san soo galin wadanka qof Somali ah. waa hadii ay dhacdo in qof somali ah uu ku helo fiisada si kama,a ah.
Maxaa la gudboon somalida :
Dowladda somaliya waa dowladdi dadka & dalka, waa hey,addii u sareysa ee mudan in ay dhowrto magaca dalkeeda & dadkiisa. waxaa quman in ay ogaal u leedahay waxa ka jira banaanka dalka, waxaa qasab ku ah in ay u kuur gasho hawl wadeenada safaaradaheeda, ma wanagsan in dowladdu ay isku dhiibto xaalka jira ee ah Somali qasan rubuc qarni, sharcigu mar ayuu biloowdaa, xaqunu ma duugoobo mana daaho. waxaan leenahay Safaradda sudan dib ha loo fiiriyo qaab Maamul & mid dhaqanba ,waxaa la gudboon dowladda dhexe in ay ka tashato sidii ay u soo celin laheyd magacii raagay ee aan ku laheyn dalka sudan. waa hubaal in hadii la helo jiho nadiif ah oo laga qanco talo bixinteeda – xaalka murugsan ee ku kalifay mas,uuliyiinta Amniga ee dalka sudan in ay qaataan go,aankaa – in ay suuro gal tahay in dib loo jaleecdo go,aankaa dheeh galiyay xariirkii suubanaa ee Sudan kala dhaxeeyay shacabka soomaaliyeed, taa oo noqon karta mid abuurta jawi ku dhisan qaanuun miisaan leh oo somalidu dalka ku soo galaan uguna nagaadaan si sharci ah.
Ardeyda Somali ee Sudan waa Jowhartii Bulshada, waa hogaamiyaashii barri, waa ilaaliyaha qaanuunka ee garabsiinaya cadaaladda, waa Taariikh dheer ee uu leeyahay arday walba oo ku suntan tacliin & edeb. waxaa quman in ardeygu muqaalkiisa & dhaqankiisuba ay ka tilmaan bixiso heerkiisa waxbarasho, waxaa la gudboon in ardeyda sudan wax ka barata ay ka fogaadaan goobaha tuhmo ee weeydaaran sharci walba oo dalka u degsan. ardeygu waa mid ka qiirooda in uu la safto ama la saaxiibo cid aan ka heer sareyn Tacliin & akhalaaq ba. waxaa mudan in ardeydu u hiilyaan aqoonta & Qaanuunka, baahiyaana dhaqanka fiican ee ay soomaali leedahay. waa hubaal in ardeyda sudan ay xushamd & sharaf ku leeyihiin sudan dhexdeeda, laakin waa biyo kama dhibcaan in ay jiraan tiro yar oo laga yaabo in aysan la heyn taariikh waxbarsho & edeb suuban oo soo jireen ah in ay barxayaan nadaafadda Tirada badan ee ardeyda sudan. sidaa darteeed waa lagama maarmaan in ardeydu ay is hufaaaan.
W/Q Mahdi Muse Osman