Mu,asasada Al-karam ee Gobalka Sanaag oo howlo dacwadeed ka wada Sanaag (Masawiro)
February 15, 2015 - Written by EditorCeerigaabo : Mu,asasada Al-karam fareceeda gobalka Sanaag ayaa waxay ka wadeen howlo dacwadeed magaalada Ceerigaabo iyo deegaano hoos yimaada maalmihii la soo dhaafay .
ololahan dacwadeed oo ka koobnaa qaybo kala duwan kana qayb qaateen culimo kala gadisan ayaa waxa ka mid ah meelaha laga howl galay.
Goobaha Wax Barashada Ee Magaalada Ceerigaabo Sida Maraakista ,Dugsiyada Hoose/Dhexe/Sare Ee Magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag.
Maalinti Khamiista Oo Bishu Ahayd 12.02.2015 Ayay Booqdeen Dugsiga Sare Ee Xaaji Aadan Sacandery School Waxaana Kalmed Qayim Ah Kaso Jeediyay Sheikh Cabdalle Maxamed Axmed .
Waxay Sidoo Kale Booqdeen Dugsiga Sare Ee Iimaamu Shaafici Sacandary School Waxaana Halka Ardayda Uga Soo Jeediyay Kalmed Soo Jiidatay Dhegaha Ardayda Sheikh Farxaan Ismaciil Jaam .
Dhanka kale waxay culimadu Maalinti Jimcaha Booqdeen Markiska Xiftinta Quraanka Ee Tuulada Maax Oo kaga Beegan Magaalada Ceerigaabo Dhanka Waqooyi Una Jirta 45 KM waxana halkaa ka soo jeediyeen kalimaad aad u qiimo badan Iyaga oo kulano dacwadeedna la qaatay qaar ka mid ah odayaasha tuulada Maax .
no images were found
Gobolka sanaag oo ah gobolada ay sida wanaag san uga abaabulan tahay dacwadu ayaa baryahan la soo baxay dar dar hor leh oo uu kula tartamayo gobolada dalka .
Mu,asasada Al-karam Faraceeda Gobalka Sanaag
Halgan.net