Warbixin Safarkii Mu’assadda Safaa ay ku gaareen Gobolka Sh Dhexe.[Masawiro]
February 17, 2015 - Written by EditorJowhar:-Waxaan Allaah uga mahad celinaynaa inuu noo sahlay Safar dacwadeed oo aan ku gaarnay Gobolka Shabeelada Dhexe degmooyin kiisa qaarkood iyadoo aan deegaanadaas kula kulanay dhamaan qeybaha Bulshada oo dhan anagoo u la jeedadeenu aheyd dardargalinta howlaha Dacwada iyo dib u abaabulka ducaada maadaama waayahan inta badan Culumadii iyo Ducaadiiba ka mashquuleen howlihii dacwada amaba joojiyeen dhibaatooyin jiray awgood.
Waxaa sidoo kalena jiray gobollada qaarkood inay dib uga soo curanayaan dagaal beeleedyo ka dhashay qaabka cusub ee Dalka lagu Federaalaynayo iyadoo qabaa’ilkii dhulka wada deganaa walaalahana ahaa mid walba uu doonayo inuu afka u dhigto beelaha kale ee la jaarka ah.
Sidaa darteed ayaan abaabulkan isugu taagnay anagoo is leh waxaa jira baahi weyn oo loo qabo inay dib u bilaabato Duruustii masaajida iyo Howlihii Dacwadaba xili dalku ku soo biloowdeen Hay’addo lacag iyo Manaahij baadi ah wata sidda Shiicada iyo Calmaaniyiinta oo kale.
Sabaabaha keenay Dib isu abaabulka
Ducaada iyo Culimada Soomaaliyeed aad ayay uga warhayeen waxa ay wadeen hay,adaha gaalada iyo akhlaaq xumo badan oo ay sababeen iyo in badan oo soomaalida ka imaanaysa dibadaha ayaa waxaa ku soo biiray dhaqdhaqaaq xoogan iyo siminaaro loogu qaaday tiro badan oo dhalinyara iyo odayaal ahba dalalka Iiraan iyo Ciraaq iyadoo sidoo kalena ay bar bar socdaan Tababaro iyo Siminaaro is daba joog ah oo ah dalka gudihiisa ay ka wadaan hey’addahaas si ay u faafiyaan Mad,habtooda Shiicada xili Masaajida iyo Suuqyada Iskuulada Wadooyinka iyo meel walbaba Dacwadii Koonfurta Soomaliya ay badankeed joogsatay amaba laciif tahay.
Hadiyadii Safarka
Maadaama halka loo safrayaa tahay Gobol islamarkaana ay ka jiri karaan baahiyo fara badan marka laga hadlayo Waxbarashada ayaan abaabul u galnay inaan horey u sii qaadno hadiyad ahaan Musxafyo Qur,aan waxaanan la xiriirnay dadwanaag jecel iyo Jimciyadaha gargaarka bixiya sidda Munadatu At-Tanmiya waxaana noo suura gashay inaan ka helno tiro wanaagsan oo Masaaxif Qur,aan ah.
Bilowgii Safarka
Waxaan guda galnay Safarkeena Maalintii Arbacada aheyd 11/02/2015 sedexda galabnimo ama Sagaal saac waxaana si toos ah u wajahnay magaala madaxda Gobolka Sh/Dhexe ee Jowhar waxaan gaarnay Salaada Maqribka ka dib isla habeenkiiba Kulamo ayaan la yeelanay Ducaadii Degmada iyo Gobolkaba, is wareysi dheer ka dib waxay noo sheegeen inay jiraan dhaqdhaqaaqyo Dacwadeed oo kooban iyo Caqabado hortaagan oo u baahan in la xaliyo si Dacwada dib loogu abaabulo.
Howsha degdeg ah.
1- Inaan booqano qaar ka mid ah Dugsiyada Quraanka ee ku kala yaala Afarta Xaafadood ee Degmada ka kooban tahay ayadoo aan isla xadidnay qeyb ahaan xaafad walba inaan gaarsiino tiro go’an oo Masaaxiif Quraan ah.
2- In la xaliyo khilaaf xaga ra’yiga ah oo ka dhaxeeyay Ducaada dhexdeeda kasoo sababay gaabis ama hakad ku yimid dhaqdhaqaaqii Dacwada.
3- Inaan dib u abaabulno Dumarka ogaanana caqabadaha jira ee joojiyay dacwadii iyo waxbarashadii u gaarka aheyd.
4- Inaan kulama gaargaar ah la qaadano Culumada iyo Kaabaqabiilada Degmada amaba meel isugu keeno lagalana hadlo kaalinta kaga aadan Barashada iyo gaarsiinta Dacwada.
5- Inaan siminaar kooban u qabano Culumada, Ducaada iyo Kaaba Qabiilada Gobolka si bal wax la isaga dhaho waajibka Diin ahaan saaran dhinac walba.
6- Waxaana loo saaray fulinta arimahaas gudiyo soo diyaariya si wax walba sidii loogu talagalay ugu qabsoomi lahaayeen.
Diyaargarow
Subaxii Khamiista waxaan mar kale lasii kulanay horjoogayaashii Ducaaada kuwii hore aan ula kulanay anagoo kasii wada hadalnay sidda ugu fudud uguna wanaagsan ee lagu fulin karo jadwalkeena anagoo kala qeybsanay howsha kuna balanay in qoloba meesha kaga aadan ka soo dhalaasho.
Q: 1aad Fulinta Howsha
Barqadii khamiista waxaan u dhaqaaqnay Xaafada Buulo-Shiikh oo ku taalo gadiga bari ee magaalada ayadoo halkaas lagu soo aruuriyay 100 Arday tiro ka badan kuwaasoo laga kala keenay dhowr Dugsi laysuguna keenay Dugsiga Daarul-Qur’aan waxaana halkii ugu qeybinay Kitaabadii Quraanka ayadoo ay goobtana joogeen Macalimiin iyo Waalidiin fara badan.
Q:2aad Fulinta Howsha
Markii aan dhamaynay qeyb ahaan qeybtii aan ugu tala galnay xaafadaas waxaan u sii dhaqaaqnay Dugsiga Abuu hureyra ee ku yaala Xaafada Horseed ahna isla gadiga bari ayadoo halkaasna ay diyaar noogu ahaayeen qaar ka mid ah ardayda Dugsiyada Xaafadaas.
Waxaan sidoo kale halkaas ku qeybinay 100 Musxaf Quraanka ah iyadoo ay Waalidiinta Macalimiinta iyo Ardayduba aad ugu faraxsanaayeen Kitaabada Quraanka ee lacag la’aanta loogu qeybinayay.
Q:3aad Fulinta Howsha
Waxaana waqtigeena Galinka hore ku dhamaysanay qeybinta Kitaabadaas iyo la kulanka Macalimiintii Xaafadaha joogay waxaana dib ugu soo laabanay goobtii aan daganayn si aan ugu sii diyaar garawno kulan galabnimadaas khamiista noogu qorsheynaa inaan la qaadano Dumarka Xaafadaha Buulo sheekh iyo Horsdeed ee dhinaca bari.
Galinkii Dambe ee Khamiista
Salaadii casarka ka dib waxaana ku soo laabanay xaafadii Horseed Masjidka Rowda ayadoo halkaas ay ku diyaar ahaayeen Dumarkii waxaana halkaas looga jeediyay Muxaadaro ku dardargalinaysay Camalada Suuban Geerida ka hor si taas ay ugu dhiiri galiso waxqabad iyo iskaashi dhanka kheyrka ah inay la yimaadaan.
Muxaadaradaas waxaa soo jeediyay Sheekh Cali Nuur Xoogsade waxaana dib ka sii faah faahiyay Sh Maxamed Muuse iyadoo dhamaanteed aheyd guubaaabo ku saabsan kheyrka inaan laga seexan laguna kala harin inta naftu jirto.
Waxuuna kulankaas noo soo gabagaboobay xili casir liiq ah ayadoo ay aad uga mahad celinayeen booqashada isla markaana la isla afgartay in Gabdhaha Xaaafadahaas laga dhiso gudiyo ka qeyb qaata dib u abaabulka howlaha Dacwada islamarkaana la bilaabo abaabul iyo iskaashi ku saabsan in deegaaankaas laga furo Markaz Dacwo oo u gaar ah Dumarka si ay u kordhiyaan aqoontooda diineed iyo Machad laga barto culuumta shareecada in la furo.
Q: 4aad Fulinta Howsha
Salaada Maqribka ka dib waxaan fadhiyo kala gaar gaar ah lasii yeelanay Ducaaada gobolka qaarkood kuwaas oo qaarkood xiriirkooda wada shaqeyn go’naa amaba liitay aydoo weliba arintaas mudaba soo jiitamaysay.
Wadahadal dheer ka dib waxaa Allaah mahadiis ah inuu khilaafkii dhamaaday halkiina la isku wada gacan qaaday laguna heshiiyay in gacmaha la is wada qabsado kheyrkana la isu kaashado.
Waxaana halkaas kalimado dardaaran ah kajeediyay Sh Maxamad Muuse asagoo ku guubaabiyay
in laga digtoonaado khilaafka iyo dhibaatada khilaafku leeyahay asagoo sidoo kalna u isharaay in waxyaabaha khilaafaadka sababa ugu horeeyaan howl la’aanta, waxaa uuna kula dardaarmay si uusan mar dambe u soo laaban khilaaf kale iyo la nidaamiyo qaabka wada shaqeynta Ducaada isla markaana la xoojiyo howlaha dacwada.
Waxaa habeenkaas intiisa badan waqtiga lagu qaatay wadahadalo hoose iyo is wareysi ayadoo la isla turxaan bixinayay sidii looga gudbi lahaa caqabadaha taagan loona waaajihi lahaa baahida weyn ee ka taagan xaga Waxbarashada iyo Dacwada.
Q:5aad Fulinta Howsha
Maalintii Jimcaha markuu waaga noo baryay waxaan kulamo kale lasii qaadanay qaar ka mid ah horjoogayashii dacwada degmada Jowhar ayadoo uuna socday isla subaxaas abaabul meel la isugu wada keenayay inta badan Ducaada iyo dhalinyarada jecel inay ka shqeeyaan Dacwada.
Waxaanan kulan kula qaadanay Masjidka —- oo ku yaala Xaaafada waxaana dhalinyarada isaga timid Afarta xaafadood ee degmada jowhar halkaasana waxaa kalimado kooban oo wacyi galin kasoo jeediyay Sh Maxmad Muuse, Sh Calinuur Xoogsade, Sh Craxmaan iyo Macalin Yacquub.
Q:6aad Fulinta Howsha
Kulankaas ka dib waxaan markale dib u biloownay inaan tagno Dugsi Quraan ku yaala xaafala Kulmis kaas oo ay ku ku balansanaayeen qeybo ka mid ah dugsiyada Quraan ee xaafadaas.
Waxaana halkaaas lagu gudoonsiiyay caruurta Kitaabo Quraan ayagoo loo hor mariyay si gaar kuwa Quraanka dhameeyay taasoo u aheyd dhiirigalin weyn, waxaana ardaydu ka muuuqatay inay aad ugu faraxsan yihiin hadiyada qaaliga ah ee lasoo gaarsiiyay.
Q:7aad Fulinta Howsha
Sidoo kalana waxaan Kitaabo Qur’aanka ka qeybinay Xaafada Hanti-Wadaag dugsiga Mucaad ayadoo ay ku diyaar ahaayeen arday lagasoo aruuriyay dugsiyo ku yaaala xaaafadaas. Waxaana si nidaamsan ugu qeybinay ardaydii 100 Musxaf Quraan ah ayadoo mar walba loo hormarinayay kuwa Quraanka dhameeyay.
Q:8aad Fulinta Howsha
Xiligii khudbada markii uu soo dhawaa yay noo gabagabowday xaflada lagu qeybinayay Kitaabada waxaanan si dag dag ugu diyaargarownay khudbadii Jimcaha anagoo badankeed ku wada dukanay Masjidka aadka u weyn ee ku yaala Suuqa weyn bartankiisa ee loo yaqaan Al-Xarameyn.
Masjidka waxaa khudbada ka aqriyay Sh Cali Nuur Xoogsade ayadoo ay khudbadana ku saabsaneyd la dagaalka maandooriyayaasha waayo waxaa jiray warar warbaahinta qoreysay ducaada Gobolka noo xaqiijiyeen oo sheegayay inay jiraan beeralay Gobolkaas tuulooyinkiisa ku nool oo caada ka dhigtay beerida Xashiiska iyo ka ganacsigiisa.
Q:9aad Fulinta Howsha
Khudbada Jimcaha ka dib waxaan fadhi weyn oo qada ah kula yeelanay qaar ka mid ah Culumada gobolka iyo Kaabaqabiilada hotelka loo yaqaan Suubiye oo lahaa hool weyn oo lagu qadeeyo laguna shiro.
Waxaaa kulankaas fadhiyay dhamaan Gudigii kaabaqabiilada iyo Culimada gobolka ugu magaca roonaa waxaana qadada ka dib halkaa ka bilowday wadahadal iyo talo isdhaafsi ayadoo dhanka Culimada ay u hadlayeen Afar qof dhanka kaaba qabiiilada Afar halka dhanka Mu’sasada oo gogosha laheyd uu uga hadlay Sh Maxamad Muuse oo furay xaflada soona gabagabeeyay.
Gudiga kaabaqabiilada kasoo qeybgalay waxaa horjooge u ahaa goobtana ka hadlay xubnaha kala ah
1. Nabadoon Maxamuud Cusmaan yaacali.
2. Nabadoon Aadam Axmad Xeyfow.
3. Nabadoon Nuur Maxamad Cali [canjeex].
4. Nabadoon Maxamuud Axmad Foolyarey.
Waxaana xusid mudan Duqowda waxa ay ku cawdeen inuu haysto culeys aad u weyn maadaama aysan jirin cid sharciga Islaamka ku kala xugmisa in ay kuna qasbanaadaan mararka si ay maslaxo u dhaliyaan inay tuugaan beesha dulmiga loo geestay.
Waxaa ay sidoo kale sheegeen inay jeclaan lahaayeen in culumada kaalinta islaaxinta gudi Kaaba qabiilada caawiya usoo saaraan xiliyada dhibaatooyinka culus jiraan.
Furitaankii Kulanka
Madaxa Mu’asasada Safaa Sh maxamad Muuse ayaa furitaanka xaflada waxa uu ku dheeraaday walaalnimada Iimaanka iyo xuquuqda ka dhalanaysa asagoo sidoo kale uga digayay khatarta wadanka kagasoo fool leh hey’adaha Shiicada oo bilaabay dhaqdhaqaaqyo xoog badan si ay shacabka u shiiceeyaan darteed.
Dhanka kalana Culumadii hadashay waxa ay ku boorinayeen kasoo qeybgalayaasha in aan aduunyo lagu iibsan Diinka ayagoo si gaar ah kaabaqabiilada ku guubaabiyay inay ka shaqeeyay islaaxinta beelaha gobolka iyo inay iska ilaaliyaan fidnada lala maagan yahay Shacabka Soomali xiligaan lagu kala qoqobayo Federaaleyn taasoo dagaalo ka hurisay kana hurin karta gobollada Koonfurta badankood.
Waxaana magaca Culumada Gobolka Sh Dhexe ku hadlay Culumada kala.
• Sheekh Mayow Sh Maxamad Xaaji mayow
• Sheekh Axmad Abiikar Xasan
• Sh. Muxyidiin Sh. Maxamed Geeseey.
• Sh. Axmad Barrow Xasan
Intii Shirka socday la isla go’aansaday inay sii socdaan kulamada noocaan oo kala ah islamarkaana in Culumada soo dhistaan gudi matala dhamaan culumada kaasoo kala taliya Duqowda kuna hanuuniya raacitaanka shareecada Islaamka xiliayada dhibaatooyinka taagan yihiin si umada loo kala bad baadiyo, waxaana lagu balamay in shirar hoosaadyo soo qabsadaan culimada ka hor gogol weyn inta aan la isugu imaan.
Balanqaad Shirweyne Ahlu Xaliga yeeshaan
Madaxa Mu’asasada Safaa Sh Maxamad Muuse ayaa gabagabadii xafladaas u balan qaaday ka soo qeyb galayaasha in shirka weyn ee gudiyada Culumada soo dhisan doonaan iyo Gudiga kaaba qabiilada yeelan doonaan inuu gogoshaas asaga dusha u ritay asagoona kula dardaarmay Culimadaa inay kaalintooda kasoo dhalaalaan kana qeyb qaataan in ay umada ka badbaadiyaan hagar daamooyinka la kala dhexdhigayo beelaha Soomaliyeed xiligan adag.
Ka mahad celinta Kulanka
Waxayna xaflada kusoo gabagabowday jawi aad u farxad badan ayadoo duqoowdo ka marag kaceen inaysan weligood ka qeyb galin siminaar kan la mid ah maadaama uu ahaa mid dadka Aduunyadooda iyo Aakhiradoodadaba maslaaxad ugu jirtay ayagoo sheegay inay marar badan ka qeyb galaan Siminaaro aan anfac Aduun iyo Aakhira toona wax dan ah ku jirin.
Q:9aad Fulinta Howsha
Markiii kulanka oo gabagaboobay lana dukaday Salaada Casar waxaa uu Sh Maxamad Muuse u sii dhaqaaqay goob kulan wayi galin ah lagula balansanaa dumarka Degmada Jowhar taasoo uu ku wacigaliyay inay kaaalintooda ka qaataan faafinta Diinta Islaamka iyo Barashadeeda asagoo ku guubaabiyay in manta xooga ddumarka iyo kaalintooda Diintu baahi u qabto si loo badbaadiyo jiilalka mustaqbalka Dalkeena.
Q:10aad Fulinta Howsha
Xiligii Maqribka waxaan jadwal muxaadaro ku laheyn Masjidka degmada jowhar ku dhagan ee loo yaqaan Waxaana halkaas Muxaadaro ka jeediyay Sh Cali Nuur Xoogsade. Sidoo kalana waxa xiligaas Sh Maxamad Muuse ku jiray kulana sagootin ah oo uu kula kulmayay Asaxaabtii Dacwada Qaraabada iyo Culimada degmada ilaa habeenkii saqdii dhexe.
Q:11aad Fulinta Howsha
Waxaanan waaga markuu baryay usoo diyaargarawnay safar aan dib uga soo laabanayno Muqdisho ayadoo uu qorshaheenuna ahaa inaan soo marno Degmada Balcad si aan xogwareysi ula yeelano.
Waxaana Allaah noo qadaray inaan Balcad kula kulano qaar ducaada ka mid ah iyo Waalidiin Quraanka ka barata Dugsi Quraan oo sheeko aad u macaan aadna u dheer leh mudana in buug madax banaan laga qoro kaligeed.
no images were found
Mu’ssadda Safa
Muqdisho,Somalia