Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynaha DFS oo gaaray Baladweyne

February 22, 2015 - Written by Editor

Breaking-NewsMuqdisho:-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa goor dhow gaaray magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Labada Madaxweyne ayaa goordhow ka degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey madaxda Maamulka gobalka kan Degmada B/weyne ,saraakiil ka tirsan DFS , kuwa AMISOM iyo dadweyne faro badan.

Ammaanka magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa si weyn u adkeeyey ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM iyo waxaana la gebi ahaanba la hakiyay isku socodka gawaarida.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa kulan la qaadan doona ciidanka AMISOM gaar ahan kuwa Jabuuti isaga oo khudbad dhiiro galin ah  u jeedin doona.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online