Hadaan ogaan lahaa ninkeyga uma diideen xaaskale
February 23, 2015 - Written by EditorSalaamu Calaykum. Maanta iyo qoraalkeena waa qiso qabsatay haweenay muslimad ah, taas oo laxariirta imtixaan kala soo gudboonaaday xaga guurka faraha badan Majaalkan ragga hadal iyo tacliiq midna uguma furno oo waad ogtihiin waayo waad ogtihiin dumarka waxay u arkaan in ragu guurka ku fashilmay. Hadaba aan idinkala baxo adinka sheekadii:
“ Sabab naag labaad? Miyaanan kugu filneyn? Maxaad iga weydey oo tan labaad kuu haysa? Maya… maya weligey yeeli maayo! Hadaad dooneysid naag kale, aniga idir marka hore markaan guriga ka baxo… ayada soo geli . Warku wuxuu ku kooban yahay “Ayada ama aniga mid un u xilo.”
Ereyadaas iyo hadalo la mid ah ayaan ku oron jirey ninkeyga sanada yar ka hor mar uu igu soo hadal qaaday xaas labaad oo uu rabay inuu ila guursado oo aheyd naag la furay oo 4 ciyaal ah wadata oo ay noolashu ku adag tahay oo haday caruurtu quraac uhesho, ma aysan garaneyn meesha ay qado ugu heli laheyd.
“Meeyey caruurtaan aabahood? Miyuusan mas’uuliyada caruurtiisa qaadi karin? Ma fahmin waxaad u doonaysid culeyska caruur aadan dhalin” Waxaa kale oo aan usheegey inuu caruur tan ah si kale u caawin karo isagoon hooyadood ila guursan.
Weligey kuma qancin oo mafahmin fikrada dumarka faraha badan oo la’isla guursado. Ninkaada naag kale hakula wadaago.. jaceylkiisa(love) dhinaca halugula dhago…. ha udhoola cadeyso naagkale… kaftankiisa…naag kale ha isku dhadhajiso oo dhagta ha ugu sheegto ‘waan kujeclehey’ waa waxaan marnaba udulqaadan karin.
Ma Anigoo xaas u ah oo guriga ugu shaqeeyo…. kaaga daranka waxaan udhalay 3 caruur ah oo aad uqurux badan! Sidey ku dhici kartaa anigoo intaas oo howl ah kahaya inuu ii gafo oo naagkale iga dulkeeno? Sidii anigoon kufilneyn oo howshiis kasoo bixi waayey!! Muxuu imooday habar, ma ogo inaan weli gabaryar ahay.
Waxaan kubadiyey caga-jugleen iyo goodis anigoo usheegey in haday reerka soo gasho naagtaas aan anigu banaanka taaganahay. “Isagay utaal haduu ubabac dhigikaro burburka guurkayaga, noolashiisa iyo caruurtayada naag kale darteed. “Guurso… anigana waad arki doonta waxaan sameeyo.!”
Waxaas oo dhan waxay iila muuqata hada inay sanado badan kahor aheyd… anigoo uhaysta inay noolashu weligeed tahay daa’im oo isbadal dhicikarin… runta isuma kaa sheegto isbadal ayaa dhacay.
Ninkeyga xaaskale maguursan. Digniin badan kadib wuu kalaabtay fikrada xaas labaad. Garanmaayo meeshey ku danbaysay islaantii iyo caruurteedii. Waxaan umalaynaya inay magaalo kale uguureen.
Ninkeyga mardambe iiguma soo qaadin naag labaad iyo madax xanuunkeeda taas oo aad ii farxad gelisay. Waxaan go’aan ku gaaray inaan faraqa ku dhago si uusan naag dambe uhaweysan, waxaanse ogeyn in waqtiga wada noolaanshahayaga gabaabsi yahay.
Ereyadii udanbeysey ee afkiisa kasoo baxay wuxuu ii sheegey inuu dareemayo madax xanuun oo uu doonayo inuu yara seexdo ilaa salaada cishaha… Cisha matukan, hurdadiina kama soo kicin oo halkaas ayey nafta kagaga faaruqday.
Geerida lama filaanka ee kutimid ninkeyga ayuu gabalku igu madoobaaday…ninkii noolasha ila wadaagay een dumarka kala cararaayey malagii ayaa dafay oo gacan iiguma jiro. Waxaan asayga uqaaday mudo aad udheer ilaa aan dayacay xanaanada caruurta iyo dhamaan shaqadii guriga.
Durbadiiba xaaladayada ayaa isbadashay… shaqo iyo hanti waxaan laheyn mid mid ayuu usiibtey(nin iyo hantidiis makala haraan hora loo yiri) gaarigii, dukaankii iyo guriga aan daganeyn intaba gacanta ayey kabaxeen.
Waxaan maciinsanay walaalkey iyo xaaskiisa oo aan dulsaar kunoqonay. 3 caruur ah iyo aniga gurigii waa naqaadi waayey… dumaashaday ayaa cara ismartay oo udulqaadan weydey buuqa iyo cariiriga aan guriga kusoo kordhinay.
Waxaan markii iigu horaysay mutay inaan banaanka uxamaal tago si aan u kireysano guri noo gooni ah intaan kudul noolaan laheyn hambada dadka kale. Su’aashu waxay noqotay, maxaan kushaqeystaa oo xirfad ah.?
Intuu ninkeygu noolaa waxaan kujirey ‘hadhicin iyo hakufin’ oo uma baahan inaan soo shaqneeyo ama xirfad-shaqo raadsado oo marna maskaxday kuma soo dhicin isbadalka noolasha.
Noolashii ayaa nagu sii adkaatay, kaaga daranka oo ma’ahi qof yar oo waxkasta laqabsankara saacadaan. Maalinkasta waan ilmeeyaa markaan xasuusto ninkeygii… aad ayaan utabayaa waxaan rajeeya inuu soo laabto!
Maalin maalmaha kamid ah ayuu walaalkey ii sheegey inuu garanayo nin xaas labaad rabo oo ay saaxibo yihiin. Wuxuu ahaa qof akhlaaq badan oo diin leh oo aad iigu haboonaan lahaa laakinse wuxuu rabaa inaan noqdo xaaskiisa labaad.!!
Waa markii labaad ee noolasheyda la’igu yirahdo ereyga ‘xaas labaad’ laakinse hada duruuftu waa ka duwantahay tii hore oo anigaa ubaahan nin naftayda astura, caruurtana ila koriya.
Waxaan kuwar geliyey walaalkey inaan waxba kaqabin inaan isbarano. Wuxuu yimid guriga walaalkey inaan is aragno, aragtida sharciga ee guurka ka hor. Islamarkiiba waxaa abuurmay isu soo dhawaansho iyo inuu midkaayaba midkale ku qanco.
Runtii aad ayaan ugu heley haseyeeshe wuxuu ii sheegey in xaaskiisa ogtahay inuu mid labaad raadinayo walow aysan ku qanacsaneyn. “Garanmaayo waxay kujwaabi doonto markaan usheego inaan qof kale heley. Jawaabta aan kusiin doona waxay kuxiran tahay siday usoo dhaweyso fikradaan ee iminka ‘maya iyo haa’ midna kuma siin karo ee maalmaha soo socda ayaan kula socodsiin doona” Kadibna albaabka ayuu ka dagay.
Habeenkaas oo dhan waxaan tukanayey salaatul-istikhaaro, anigoo aad ugu ducaysanaya inuu Allah guurkaan suurto galo. Waxaan xasuusta sanada kahor in noolasha qof dumar ah uu kuxirna go’aangeyga, taas oo aan aad uxasuusto waxaan xukumay iyo xanibaada aan hordhigey.!
Waxaan dareemey xanuunka go’aanka markaas aan qaatay waayo jaanis masiin gabartii kale oo markaas kusugneyd duruufta maanta aniga ihaysato, waana taas mida Allah maanta la’igu ciqaabaya.
Runtii, waan katowbadkeeney diidmada aan kala hor imid ninkeyga Allaha unaxariiste,, waana markii iigu horeysay ee aan katowbadkeeno gaf aan garwaaqsan waayo waxaan lahaa ninkaaga ku fara adeeg mooyo marna uma fahmin inaan cidkale dulmiyey… laakinse ciqaabta maanta ihaysato ayaa daliil u ah waxaan galabsaday.!
Iminka oo aan aniga ahay qofka wax rabo ayaan ku baraarugay qeymaha ay leedahay waxaan gabadhaas udiidey. Waxaan Allah weydiisanaayey waxay aheyd inay qoftaan ogolaato in layla guursado oy igu sameyn sidaan ugalay gabadhii hore.
Maalmo yar kabacdi ayuu ninkii telephone soo direy oo igu wargeliyey inay xaaskiisu arinta ku adag tahay laakinse ay daneyneyso inay ila kulanto.
Walwal iyo walaac ayaa isku kaytaagay maalinta kulanka kahor iyo cabsi aan kaqabo waxa kulanka kasoo bixidoona… diidmo ama yeelis! Waxaan sii laban-laabay salaadihii iyoistikhaaradii inuu Allah ii sahlo lakulankeeda iyo inuu kayeersiiyo haa.
Waxay aheyd qof caadi ah oo sideyda oo kali oo ninkeeda jecel oo kabaqayso inuu kafara baxsado. Saastay usoo gashayba, gacantay isoo qabatay ayadoo indhaheeda ilmo kada’ayaan. “Waa arin aad iigu adag qof ahaan laakinse waxaan rajaynaya inaan noqono walaalo wada noolaado oo isusamro”
Erayadeeda ayaa wadna igooyey ilaa aan anigaa ilmada kudaray aniga ugu mahad-celiyey go’aanka geesinimada leh ee ay qaadatay.
Maalmahan madow ee noolashayda, waxaan ubaahnaa gabar walaashay oo igarab istaagta oo irajo gelisa. Sidaan Allah weydiistay, waxay ii noqotay walaal samaysay waxaan aniga horay uyeelin.
Waxaan uheystay inaanu qofna ujeclaan karin ninkeeda sidaan aniga ku ahaa ninkeygii Raxmatullaahi. Runtii gabadhaas waxay ibartay waxa uu yahay ‘unconditoinal love’ jeceyl aan shuruud laheyn oo walaalnimo iyo diin kudhisan.
Xaalada uu qof kusuganyahay mafahmi kartid ilaa ay kusoo marto mid lamid ah. Aad ayaan udareemaya waxay ku sugan tahay waayo waan soo maray laakinse darsiga waa go’aanka ay qaadatay.
Walaalyaal, xaqa iyo maslaxadeena waa siduu Allah Qur’aanka noogu sheegay hadaan jecelnahay iyo hadaan nacebnahay intaba ee aan uhogaansano walow arinta nagu adagtahay.
Halkaas ayey kudhamaatay qisada gabadha aan magaceeda soo sheegin ee asalkeedu igu soo gaartey luuqada English.
Waxaan ka cudurdaaranaya hadaan sheekada usoo gudbin waayey sidii quruxda badan ee ay usoo bandhigtey gabadhaas.
Intaan qormo kale kulmidoona haduu Allah yirahdo waa walaalkiin Adam Abdi Abuzuhri salaamu Calaykum. Wixii talo iyo tusaale ah abuzuhri1@gmail.com