Madaxweynaha DFS oo la kulmay Madaxweynaha Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh
February 24, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa shalay waxaa uu xafiiskiisa ku qaabbilay Mudane Cali Khaliif Galaydh, oo hore Soomaaliya uga soo noqday Ra’iisal Wasaare, hadda loo doortay Madaxweynaha Khaatumo.
Kulan ay wada yeesheen Xassan sheekh iyo Cali Khaliif ayaa ilaa hadda la shaacin wax ka soo baxay iyo u jeedkii kulanka balse Prof Cali Khaliif ayaa dhowr jeer oo uu saxaafadda la hadlay waxaa eedeyn u soo jeediyey hogaanka Dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweyne Xassan Sheekh isagoo ku eedeeyey in aysan waxba ka qaban dhbaaa ka jirta Gobollada Sool Sanaag iyo Cayn.
Kulanka ay wada qaateen labada masuul ayaa waxa ka dhex muuqday wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Axmed Jaamac (Jengeli) iyo masuuliyiin kale.
Ra’iisal Wasaarihii ee Soomaaliya Prof Cali Khaliif Galaydh ahna madaxweyaha Khaatumo ayaa in mudo ah ku sugaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net