Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo la Wareegay Deegaanka Toora-Tooroow
June 2, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Ciidamada DFS oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa la wareegey deegaanka Toora-toorow ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana halkaas horey ugu sugnaa kooxda Al-Shabaab.Wararka ayaa sheegaya in ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa si nabad ah kula wareegeen deegaanka Tooratoorow .
Sarkaal ka tirsan ciidamada DFS ayaa sheegay in Al-shabaab in deegaanka Toora-Toorow ay saldhig u ahayd ayna saaka ku duuleen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayna haatan ku sugan yihiin ciidanka huwanta .
Degmada Sablaale ayaa noqoneysa Degmada kaliya ee ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ee xilligan ku jirta gacanta kooxda Al-shabaab,waxaana ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM qorsheynayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen Degmada Sablaale.
Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro dhuumaaleysi ah ka geysta gobalka Shabeellada Hoose waxaana ay todobaadkii hore mar la wareegeen gacan ku heynta deegaannada Aw-dheegle iyo Mubaarak waloow markii danbe ay ciidanka DFS ay dib qabsadeen.
La wareegitaanka deegaanka Toora-toorow ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed Jen C/risaaq Khaliif Cilmi iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose C/qaadir Siidii oo la hadlay warbaahinta Muqdisho.
A/Cawale
Halgan.net