Munaasabad lagu soo xirayey Sanad dugsiyeedka 2014-2015 ee Kuleejka Xaaji Abshir ayaa lagu qabtay Qardho.[Masawiro]

June 5, 2015 - Written by Editor

IMG_7245Qardho:-Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiinta waxbarashada Degmada Qardho, Aasaasayaasha Kuleejka, Waalidiin, Gudiga Horumarinta Jaamacada Bariga Africa Qaybta Qardho Maamulka Macalimiinta, Ardayda iyo Marti Sharaf kale ayaa waxaa lagu soo xirayay waxqabadyadii kuleejka sanad dugsiyeedka 2014-2015.

Waxaa ugu horayn xaflada ka hadlay maamulaha Kuleej Xaaji Abshir Cabdi Wali Siciid Barre wuxuuna sheegay kuleejka Xaaji Abshir in dhamaan ujeedooyinkii loo asaasay ay fuleen kuwaas oo ah in la helo ubad soomaaliyeed oo bulshada tusaale u noqda xifdisan kitaabka Quraanka Kariimka, leh aqoon ilaa heer dugsi sare, in badan ka yaqaan kutubta, asagoo ka hadlay tirada ardayda kuleejka dhigata ayaa waxa uu sheegay in kuleejka hadda wax ka bartaan in ka badan 200 oo arday oo isaga kala yimi dhamaan 18 ka gobol ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah wadamada dibada sidda Yurub Marayk, iyo Astureeliya.

Maamulaha ayaa sheegay in ardayda ay kuleejka ka helaan adeegyo kala duwan sidda cunto, Jiif, Qaybaha kala duwan ee Waxbarashada Maadi iyo diini Intaba, cayaaro joogto ah, iyo Dalxiis loo ka xeeyo Jimcayaasha iyo mararka Qaar.

Sheekh.Yuusuf C.casiis Madaxa Boorka Jaamacada Bariga Afrika iyo C/qaadir Yaasiin Maxamed oo ah asaasayaashii kuleejka ayaa sheegay, kuleejka Xaaji Abshir oo hada mudo 7 Sano ah shaqaynayay waxna ay ka bartaan in ka badan 200 oo arday uu yahay kuleej lagu barto Maadooyinka Tarbiyada, Quraanka Kariimka iyo Iskuul waxayna sheegeen in kuleejka manhajkiisu uu yahay mid waafaqsan Wasaarada Waxbarashada Dowlada Puntland, labada masuul ayaa sidoo kale sheegay kuleejka mudadii uu furnaa inaysan ka dhicin wax dhib ah taana ay tahay mid loogu mahadceliyo allaah, masuuliyiinta Kuleejka, iyo macalimiinta.

Qaar ka mid ah waalidiinta oo munaasabada ka hadlay ayaa u mahadceliyay maamulka macalimiinta iyo dhamaan shaqaalaha kuleejka waxayna dhamaantdood ay ka wada dhawaajiyeen in ardada kasoo baxda kuleejka ay yihiin kuwo aqoontooda iyo akhlaaqdoodaba aad u sarayso ardaydoodana si wanaagsan loola dhaqmo waxay sidoo kale waxa ay sheegeen xiriiro badan iyo booqasho badan oo ay ku yimaadeen kuleejka ardayda kuleejka inay kala kulmaan farxad mar walbana caruurtooda si joogta ah loola soo xiriiriyo ayagana ula xiriirtaan.

Maamulka Waxbarashada degmada Qardho Siciid Maxamed Faahiya oo soo gunaanuday Munaasabada ayaa aad u bogaadiyay kuleejka wuxuuna dhamaan bulshada kula dardaarmay inay caruurtooda uga faa’iideeyaan kuleejka Xaaji Abshir oo aqoon maadi iyo diiniba ardayga uu ka heli karo, Siciid Faahiya ayaa maamulka kuleejka uga mahadceliyay shaqada ay u hayaan bulshada iyo sida wanaagsan ee ay ula dhaqmaan waalidiinta iyo ardayda kuleejka wuxuuna sheegay ka maamul ahaan inaysan waligood wax dhib ah uga imaan kuleejka Xaaji Abshir.

Gabagabadii munaasabada 25 arday oo dhamaysatay Quraanka kariimka ayaa lagu doonsiiyay shahaadooyin iyo hadiyado waxaa sidoo kale Abaalmarino qaali ah lagu doonsiiyay ardaydii kaalmaha ugu horeeya ka galay Imtixaanadii 2014-2015, ardaydii ugu akhlaaqda wanaagsanayd, iyo kuwii ku guulaysatay Tartanka Cayaaraha Kubada Cagta Xarunt.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online