Jaaliyadda Cuman oo 35,000 doolar ugu deeqday qaxootiga ka soo qaxay Yemen (Masawiro)

June 7, 2015 - Written by Editor

IMG_8256Boosaaso:-Jaaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Cumaan ayaa soogaarsiisay Culumada iyo Guddiga gurmadka Qoxootiga Yamen deeq lacageed oo dhan 35.000 oo dollar taasi oo ay uga qaybqaadana yaan gurmada loosamayaanaayo qaxootiga ka sooqaxay dagaalka ka socda dalka Yamen.

Munaasabada lagu wareejinaayay deeqdan lacageed oo lagu qabatay xafiiska Mu’asasada Alminhaaj ee Bosaso ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxda Mu’ssadda Al-minhaaj , Gudiga gurmadka qaxootiga Yamen iyo qaar kamid ah culumada soomaaliyeed iyo wakiilka Jaaaliyada Cumaan ee deeqdan Ismaaciil Cabdi salaan Warsame.

Ismaaciil Cabdi salaan Warsame oo ahaa wakiilka Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Cumaan usoowakiiltaya deeqdan oo ugu horeen munaasabada ka hadalay ayaa sheegay in deeqdan ay usoowakiisheen Jaaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Cumaan ugana talagaleen in ay ugu qayb qaataan taakulada iyo Gurmadka loosamaynaayo shacabka soomaaliyee ee ka sooqaxay dagaalka ka socda dalak Yamen.

Sheikh Daahir ow -cabdi oo kamid ahaa culumadii ka qaybgashay xaflada ayaa Eebe uga baryay muxsiniintii Soomaaliyeed ee u deeqaday lacagtan in uu ka ajirsiiyo ,badal ka qayrbadan ugu badalo Aduun iyo Aakhiroba.

Sheikh Daahir ow –cabdi ayaa markale ugu baaqay bulshada soomaliye in ay ka qayb qaataan gurmadka loosamaynaayo shacabka soomaaliyeed ee ka sooqaxay dagaalka ka socda dalka yaman ee soogaaraayo Bosaso ku waasi oo ubaahan gacan walaal tinimo.

‘’ Waxaan ugu baaqayaa qofkasto oo soomaali ah ,oo dadkaa u dub naxaya ,oo ilaahay uga baqaya ,oo jeebkiisa wax ku jiraan in uu ka qayb qaato gurmadkaasi loosamaynaayo walaalahooda ka sooqaxaaya dalka yamen ’’ Ayuu yiri Sheikh Daahir.

Gudoomiyaha Gurmadka Qaxootiga Yamen Shekh Axmed Yuusuf Daad ayaa munaasabada ka sheegay in ay lawareegeen 35,000 oo daalar taasi oo ay soogaarsiiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Cumaan, waxaana uu xusay in aysan ahayn markii ugu horaysay ee deeq noocaan ah ay jaaliyada soogaarsiiso.

Shekh Axmed Yuusuf Daad Gudoomiyaha Gurmadka Qaxootiga Yamen oo hadalkiisa siiwata ayaa ugu baaqay dowlada soomaliya in ay ka qayb qaataan u gurmashada qaxootiga soomaaliyeed ee ku dhiban gudaha yamaniyo soomaaliyaba.

no images were found

Deeqadan ay soogaarsiiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Cumaan Culumada iyo Guddiga gurmadka Qoxootiga Yamen ayaa timid xili maalintii shalay ay Bosaso soogaareen dad kor udhaafaayo 1670 qof oo qaxooti ah ku waasi oo ka soocaray dagaalka ka socda dalka Yamen ,una baahan gar gaar dag dag ah.

Mu’asasada Alminhaaj
Boosaaso
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online