Madaxweyne Gaas oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub Soomaaliya u fadhiya Danjire Michele Cervone d’Urso

June 8, 2015 - Written by Editor

IMG_8038Garoowe:-Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu 08-06-2015 aqalka madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay wefdi uu hogaaminayey Safiirka Midowga Yurub Soomaaliya u fadhiya Danjire Michele Cervone d’Urso.

Markuu uu soo dhamaaday Kullan gaar ah oo ay wada qaateen Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Michele Cervone d’Urso ayey si wadajir ah ula hadleen Warbaahinta, waxana ay sharaxaad dheer ka bixiyeen qodobadii ugu muhiim sanaa oo ay kawada hadleen.

”Waxyaabo badan ayaanu kawada hadalnay oo ay kamid tahay Xiriirka Puntland iyo EU, Mashaariicda Horumarineed ee ay midowga yurub Kawadaan Puntland iyo Shaqooyin badan oo EU la qabanyso Dawladda Puntland”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

Midowga yurub oo Puntland ka taageera dhinacyada waxbarashada , kaabayaasha dhaqaalaha , maalgelinta wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Garoowe, taageerada shirka wada tashiga Puntland ee dhawaan lagu wado in uu qabsoomo , arrimaah oo idil ayey kawada hadleen dardar gelintooda.

Doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya ayey dhinaca kale si wada jir ah uga wada hadleen Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Safiirka Midowga Yurub Soomaaliya u fadhiya Danjire Michele Cervone d’Urso.

” Waxaan arjaynaynaa in midowga yurub barnaamijyada dhaqaale ee ay Puntland kawadaan lasii ambaqaado lana dadajiyo , lana horumariyo ” Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Dr.Cabdiweli Gaas.

Danjire Michele Cervone d’Urso ayaa dhankiisa dawladda Puntland ku amaanay dadaalka horumarineed ee ka soconaya gudaha Puntlan iyo guulaha waaweyn ee laga gaaray kooxaha xagjirka ah ee Al-shabaab, kullankuna waxaa uu ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad .

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online