Guddoomiyaha baarlamaanka Puntlan oo ka hadlay mooshinka ka dhanka ah J/land (Daawo)
June 8, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa waxaa uu maanta shir-jaraa’id ku qabtey Garoowe ayaa si cad uga hadlay mowqifka golaha wakiilada Puntland mooshinkii ka dhanka ahaa xubnaha golaha baarlamaanka J/land wuxuuna soo dhaweeyey go’aanka Jubbaland ay xiriirka ugu jaray DFS.
Siciid Xasan Shire Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa sharci daro ku tilmaamay cod qaadista moooshinkii laga keenay Baarlamaanka Jubaland, wuxuuna baaq u diray madaxada DFS gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ugu baaqay in uu mowqifkiisa cadeeyo.
Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in kal-fadhiga soo socda ee Baarlammaanka Puntland looga doodi doono hab-dhaqanka Baarlammaanka Dowladda Federaalka iyo sida ay ugu xadgudbeen Dastuurka u yaal.
DFS.
Hoos ka Daawo Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire oo shir-jaraa’id ku qabtey Garoowe
M_M Deeq
Halgan.net