Dr C/Casiis Cabdi Faarax oo wacdi dardaaran ah ka jeediyey Masjid Sunah.[Masawiro]

June 10, 2015 - Written by Editor

IMG_3008Garoowe:-Waxaa galabtay masjidka Sunah ee magaalada Garoowe muxaadaro dardaaran iyo soo dhaweyn bisha barakaysan ee Ramadaan kasoo jeedshay Dr. Sh. C/Casiis Cabdi Faarax Dhakhtarka Qaliinka indhaha oo fadhigiisu yahay garowe Dr ka ayaa jamaacadii masjidka u soo jeedshay muxaadaro uu kaga hadlay weynaynta bisha barkaysan iyo in bulshadu ay si dhab ah uga faa iidaysato isla markaana ay bishaan in teena nool ay nu nasiibka u helnay aysan ina dhaafin inagoo aan ka fara qabsan.

Waxaa Dr ku dhanka kale ku dheeraaday in Allah si dhab ah looga cabsado isagoo soo qaatay qiso ka oo hisay Isaga iyo in badan oo ka mid ah jamaacadii masjidka ku sugnayd isagoo ka sheekeeyay qiso dhex martay gabar ardayyad ah iyo macalimad gaalo ah waxayna u dhacday qisadu sidaan.

Gabar yar oo muslimad ah ayaa dhigan jirtay school gaalo islamar kaana waxaa maamule ka ahaa islaan gaalo ah waxaana gabarta yar soo qaadan jirtay Xijaab balse waxaa ka hortimid macalimadii gaalada ahayd markaas waxayna ku canaana tay in aysan mar danbe soo qaadan Dharkaan .

Gabadhii yarayd waxay u tagtay hooyadii dhashay ee ku soo barbaarisay Diinta sharafta badan ee islaamka iyadoo murugaysan ayey Hooyadii u sheegaty qisadii dhex martay iyada iyo macalimadeedii.
ka dib hooyadii ayaa tiri hooyo ma waxaynu adeecnaa macalimada mise Eebihii ina buurtay inaga iyo macalimadaba waxay tiri gabadhii yarayd waxaa mudan in la adeeco Eebe weyne waxayna kala saxiix deen gabdhii iyo hooyadii wanaagsanayd go,aan ah in aan dhag jalaq loo siin cid aan ahayn Allah.

Gabdhii waxay tagtay School kii sidii caadga ahaydba waxaa indhaha kaga soo dhacday macalimadii waxayna ku tiri waad diiday soo ma ahan amarkayga iyadoo si kulul ula hadashay gabadhii fariida ahayd waxay tiri iyadoo degan ma garanayo Ma asaga mise Adiga ? Macalimadii waxay tiri aniga gartay Isagu Maxaad ula jeedaa waxay tiri Fariidii Yarayd waxan ula jeedaa Allah Adiga iyo aniga iyo dhamaan aduunka oo dhan abuuray.

Qisadu waa dheertahay waxaa ugu danbayntii halkaas ku soo Islaamtay Macalimadii Gaalada ahayd .
Waxaana Dr Abdi Casiisna Umada ugu baaqay in aynu qaadanayo Erayga Ah Ma Allah baynu Caabudnaa Mise Qayrkii Waxaana Dr Toorku Minbarka Masjidka ka degay Isagoo Ilmaynaya dhanka kale waxaa jamaacadii Masjidka ay ka soo baxeen iyagoo wajiyadoodu ka muuqato Ilmo .

no images were found

Nuur Jaamac Aadan
Halgan Garowe

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online