Madaxweynaha DFS oo maanta shir gudoomiyey shirka Golaha Wasiirrada DFS
June 11, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa uu shir gudoomiyey shirka Golaha Wasiirrada DFS kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho,Madaxweynaha DFS oo xiran tuutaha ciidanka melatariga ayaa waxaa uu warbixino kala duwan ka dhageystay qaar ka mid ah golaha wasiiradaha iyaga oo uga waramay xaalada dalka gaar ahaan nabadgelyada, dhaqaalaha ,dhismaha Maamulgobaleedyada iyo barnaamijka hiigsiga cusub ee 2016.
Madaxweynaha DFS ayaa waxaa uu kula dardaarmay golaha wasiirrada DFS inay dardargeliyaan barnaamijyada horumarinta dalka, waxaana uu u sheegay in uu jiri doona la xisaabtay wasaarad walba iyo waxay qabatay.
Madaxda DFS iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay in ay qorsheynayaan duulaan ka dhan ah kooxda Al-Shabaab sida ay warbaahinta ka sheegeen Raisulwasaaraha DFS Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Sarkaal ka tirsan ciidanka AMISOM.
no images were found
Shirka Golaha wasiirrada ayaa waxaa sidoo kale lagu qaadaa dhigay Maamul u sameynta gobalada dhexe , hawlagallada ciidanka amniga DFS ay ka wadaan Muqdisho iyo mideynta shahaadooyinka dugsiyada sare .
A/Cawale
Halgan.net