Gabdhaha reer London oo deeq lacag ah gaarsiiyey gudiga gurmadka culimada
June 12, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Waxaa Alle mahadiisa in qaar mid ah gabdhaha soomaaliyeed ee Jaaliyadda magaalad London ,Uk ay gurmad u fidiyey iyagoo ajiibaya codsigii Sh.Daahir Aw-cabdi oo ahaa in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan walaalahood Soomaaliyeed ee ka soo cararay dagaalada ka socda dalka Yeman.
Gurmadka ay bixiyeen gabdhaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada London ,Uk ayaa waxaa mar kaan hormuud ka ahaa Allaha barakeeyeen Shamso Xaaji Maxamed, Jimco Daad Ciise.
Deeqdaan Lacageed oo gaaraysay 2000 dollar ayaa waxaa lagu hagaajiyey gudoomiyaha gurmadka dadka ka soo cararay dagaalada sokeeyey ee Yeman Sh Axmed Yuusuf Daad isagoo isla maantaba ku shubay lacagta Accounka u gaarka ah ee gurmadka.
Hoos ka eeg Sh Axmed Yuusuf oo lacagta kala wareegay Shirkadda Xawaalada ee Amal. no images were found
Gudoomiyaha gurmadka dadka ka soo cararay dagaalada sokeeyey Sh Ahmed Yuusuf Daad ayaa waxaa uu soo gaarsiiyey Halgan.net in lacag dhan 2000 oo dollar oo ay soo aruuruiyeen gabdhaha reer London ay soo gaartay isagoo ugu duceeyey gabdhihii howshaas ka qayb qaatay in Alle u badkooda u barakeeyo una xifdiyo.
Waxaa xusid mudan in Mu’ssadda Irshaad ay qaban qaabo xooggan iyo gurmad ka wado goobaha kale duwan oo ay ugu horeeyaan Masaajidda ka tirsan Mu’ssadda ee ku yaal dalka Ingriiska iyo weliba Tv-ga Kalsan oo barmaamij tabaruc ah ay ka wado Mu’ssadda Irshad iyo culimadeedu.
Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Boosaaso iyo ganacsatada ayaa si isku duuban waxaa ay gurmada ugu fidiyeen walaalahood Soomaaliyeed ee ka soo cararay dagaalada Yeman iyagoo u fidiyey gurmada dejin iyo ambabixin ah loogu samaynayo si loo gaarsiiyo degaanadooda.
Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa ayaa waxaa laga rajeynayaa in ay ku daydaan walaalahood Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London gaar ahaan walaalahood sidda gaarka isku xil qaamay si deg deg ah u ajiibay codsiga culimada gaar ahaan Sh Daahir Aw-cabdi oo a mid ah culimada ugu waaweyn uguna caansan dalka Soomaaliya.
Culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Boosaaso gaar ahaan gudoomiyah gurmadka dadka qaxootiga ah ee ka yimid Yeman Sh Axmed Yuusuf Daad ayaa u soo duceeyey guud ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Leicester ,iyo London oo iyagu si gaar ah isku abaabulay si ay gurmad ugu fidiyaan walaalahood Soomaaliyeed ee ka soo cararay dagaalka ka socda dalka Yeman.
M_M_Deeq
Halgan.net