Taliye cusub oo loo magacaabay Saldhiga Booliska magaalada Qardho.[Masawiro]

June 13, 2015 - Written by Editor

taliyaha cusb ee saldhiga qardhoQardho:-Munaasabadan xilalalka ay kula kala wareegayaan taliyihii hore Saldhiga Booliska Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar iyo Taliyaha cusub ayaa waxaa ka soo qayb galay Maamulka Degmada Qardho gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sidda iyo dambiyada culus ee shanta gobol C/fataax Xaaji Aadan Taliyihii hore ee Saldhiga Booliska Degmada Qardho Siciid Xirsi Ibraahi iyo taliyaha cusub ee Saldhiga C/rizaaq Maxamed Siciid.

Xaflada ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Taliyihii hore saldhiga Booliska Degmada Qardho Siciid Xirsi wuxuuna sheegay maanta oo taarikhdu tahay 13/6 2015 inuu wareejinayo xilkii uu u hayaya Saldhiga Degmada Qardho wuxuu kaloo sheegay in bedelku uu yahay waxa marwalba dhaca askarigana uu yahay mid ah bedel u joog xarig u joog iyo xabad u joog wuxuu kale oo sheegay inuu u hogaansan yahay warqada bedelkiisa ee ka soo baxday Taliska guud ee Booliska Puntaland kuna saabsan bedelkiisa, xilkii uu hayayna ku wareejiyay Taliyaha Cusub ee ee Saldhiga Booliska Degmada Qardho C/rizaaq Maxamed Siciid.

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Taliyaha Cusub ee Saldhiga Booliska Degmada Qardho C.risaaq Maxamed Siciid wuxuuna xusay inuu yahay nin xog ogaal ah xilal badana kasoo qabtay degmada haduu rabi idmana aqoontiisa ugu adeegi doono Shacabka ku dhaqan Magaalada Qardho iyo guud ahaan Puntland.

Gabagabaadii Munaasabda waxaa ka hadlay gudoomiyaha maxkamada Ciidamada Qalabka sidda  iyo Dambiyada culus ee shanta Gobol C.fataax Xaaji Aadan ayaa sheegay inuu Qardho u yimi munaasabada xilalka ay kula kala wareegayaan labada taliye wuxuuna aad u bogaadiyay waxqabadkii taliyihii hore ee saldhiga booliska degmada Qardho Siciid Xirsi Ibraahim wuxuuna dardaaran u jeediyay Taliyaha cusub asagoo ku amaanay wada shaqayntoodii hore ee ay ka soo wada shaqeeyeen Gobolka Bari sidaas darteedna uu kalsooni ku qabo taliya Cusub.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online