Madaxwaynaah DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo u dhoofay dalka Koonfur Africa

June 13, 2015 - Written by Editor

xasan-sheekhMuqdisho :-Madaxwaynaah DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka galabta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu anbabaxay dalka Koonfur-Africa halkaas oo uu ka dhici doono Shirwaynaha Midowga Africa waxaaana socdaalkiisa ku weheliyey xubno ka tirsan labada gole ee DFS.

Madaxweynaha dowlada federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa ku sii sagootiyey garoonka diyaarahada ee Aadan Cadde Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda Cabdullahi Axmed Jamac Ilka-Jiir iyo saraakiil ka tirsan ciidanka dowlada Federaalka.

Afhayeenka Madaxtooyada DFS Daa’uud Aweys ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Madaxweynaha iyo wafdiga la socda  ay u baqooleen dalka Koonfur Afrika si uu uga qeyb galo shirwaynaha Midowga Africa kaas looga hadli doono xaalada amaanka wadamada Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online