Maamulka Masjidka Al-rowda Bosaaso oo bilaabay diyaar garowga afurinta dadka sooman ee aan heli karin Afurka.[Masawiro]
June 15, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Masjidka alrowda oo ah masjidka ugu weyn magaalada bosaso ayaa bulshada wuxuu uhayaa howlo farabadan waxaana ka mid ah howlaha uu uqabto marka laga reebo oogida – salaada jamacaadka ,nadwooyinka cilmi ah, muxaadiraad, wacyigalinta ,barashada diinta, ugargaarida dadka tabaalaysan- Afurinta dadka sooman ee aan helikarin wax ay ku afuraan bisha Ramadan ,Sanad walbana waxaa uu afuriyaa dad gaaraya boqolal oo masaakiin ah oo isgu jira soomali aan aan helikarin wax ay ku afuraan iyo oromo ku soo qaxday magaalada Boosaso.
Sanadkii Hore waxaan uu masjidku afuriyey dad gaarayaa 270 qof dadkaas in tooda badan waxaa la saaray maqaaxiyada oo laga afursiiyey, waxaa kale oo jirtay qoysas aan waxba haysan oo raashin loo gaday guryahoodana lagu afuriyey waxaan ku baxday sanadkii hore howshaas lacag gaaraysa 30,000$ oo dollar. Waxaan lacagtaas laga ururiyey dadka muxsiniinta ah ee soomaaliyeey ee bosaso ku nool, inta badana waxaa laga ururiyey jamaacada masjidka.
“Sanadkana waxaan rabnaa hawshii inaan qabano oo dad badan afurino,sanadkii hore dhaqaalaha oo dhan waxaan ka,aruurinay magaalada bosaso ,lakiin sanadkan magaalada waxaa dusha ka saran celayskii qaxootiga yemen ,oo inta badan dadkii magaalada wax haystay halkaas ayey ku bixiyeen marka Sanadkan waxaan rabnaa walaala allaah wax siiyey ee ku nool daafa caalamka inay hawshaas nagala qayb galaan ” maamulka masjidka ayaa yiri.
Maamulka masjidka ayaa sheegay in halkii qof ay ku afuriyaan habeenkii $ 3 doollar bishii waxay noqonaysaa $ 90 Dollar qofkii . Qofkii jecel in uu wax labaxo Waxa uu lasoo xiriiri karaa gudigga afurinta wixii tabarucaad ah ayaga lagu soo hagaajin karo:-
1. Shiikh Axmed Yuusuf Daad 7793171
2. C/risaaq Xalanae 7791773
Akoon sahal ah magaalada bosaso : 402450
Akoon xawaalada Amal bosaso : 60917
Akoonkaas Amal waxa ku qoran afurinta dadka sooma. no images were found
Mu’ssadda Al-minhaaj
Boosaso, Halgan.net