Nadwo diini ah oo ka socotay Masjid Ramadaan ee Gaalkacyo oo la soo afmeeray.[Masawiro]

June 16, 2015 - Written by Editor

nadwoGaalkacyo:- Waxaa kusoo gaba gaboobay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug Nadwadii 8aad ee lagu qabto Masjidka Ramadaan. Nadwada ayaa bilaabatay 5-6-2015 waxayna socotay mudo Todobo Bari ah oo xiriira.

Nadwada sanadkaan waxaa cinwaan looga dhigay خير النّاس قرني” Waxaana ka soo qayb galay Culimo waa wayn oo k amid ah culumada soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada Puntland,waxaana ka mid ahaa:_

1. Sh Muxamed Mucalim Axmed

2. Sh .Axmed C/samed

3. Sh.C.raxamaan Bukhaari

4. Sh.Aadam Muxamed Cigaal

5. Sh.Axmed Muxamed Faarax(Dheeli)

6. Sh .Badal Maxmuud Sugule.

Hoos ka eeg muxaadaraadkii ay culimadu ka jeediyeen nadwadii ka dhacday Masjidka Ramadaan ee magaalada Gaalkayo

no images were found


Dadka ayaa si wayn u soo dhaweeyay Nadwada oo lagu daaweeyay baahiyo badan oo bulshadu tabanaysay. Waxaana inta badan muxaadarado kasta la socday su’aalo ay culumadu dadka uga jawaaba yeen. Gaba gabadii Nadwada ayaa lagu soo afjaray Su’aalo iyo dardaarano ay u soo jeedsheen culumadu Bulshada soomaaliyeed .

Ma ahayn oo kali ah Nadwadu qaybta habeenkii ee dadku u sinaayeen ee waxaa dhinac socday Dowraat kale duwann oo loo qabanayay qaybaha bulshada kale duwan ee ku nool magaalada, Tulasaale ahaan waxaa loo qabtay Ganacsatada mid u gaar ah oo ay ka soo qayb galeen dhowr iyo afartan Ganacsato ah oo isigu jiray Raga iyo Dumar intaba.

Dowrada ganacsatada looqabtay ayaa ahayd dowro aad muhimad wayn u leh Ganacsatada waxayna socotay labo maal mood ,waxayna ganacsatadu way diinayeen culumada su’aalo ay aad ugu baah naayeen oo ku saabsan ganacsigooda. Dowradaan waxaa si gaar u soo jeedshay Sh.Muxamed Mucalim alle haxifdiyee.

Waxaa sidoo kale jirtay muxaadaraad loo qabtay dumarka oo gaarayay ilaa saddex muxaadaro oo kala ah:-
1. Muxaadarada koowaad waxaa jeedshay Sh Muxamed Mucalim wuxuuna kaga hadlay Fiqhiga is daahirinta.

2. Muxaadarada 2aadna waxaa jeedshay Sh C/raxmaan Bukhaari wuxuuna ka hadlay xijaabka iyo waxyaabo aad u anfacay dumarkii kasoo qayb galay muxaadarada.

3.Muxaadarada 3aad waxaa jeedshay Sh Axmed Dheeli ,wuxuuna kaga hadlay dowrka gabadha kaga aadan Dacwada alle,isagoo shiikhu ku dheeraaday u tilmaamida gabdhaha dowrkooda dacwadeed,runtii waxay ahayd muxaadaro qiimo badan oo mudan in laga faa iidaysto.

Isku wada duuboo Nadwada ayaa si habsami leh ku dhamaatay alle mahadiis iyadoo dadkuna ay ka faa’iidaysteen cilmigii lagu shubayey muxaadaraad socday mudo usbuuca ahayda ,iyadoo culumadii safarka ku timid Gaalkacyana ay dib ugu laabteen Guryahoodii iyagoo gutay waajib diini ah .

no images were found

Mu’asasada Al-Minhaaj
Gaalkacyo, Mudug.

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online