Wafdi Balaaran oo ay horkacaysay Al-minhaaj oo safar ku tegay Degmada Buraan.[Masawiro]

June 19, 2015 - Written by Editor

1Buraan:-Waxa galabnimadii axada ee taariikhdu ku beegnayd 14/06/2015 safar ku tagay Degmada Buraan wafdi balaaran oo ay horkacaysay Mu’asasada Al-minhaaj ee dacwada iyo horimarinta.

Wafdigan balaaran oo ka koobnaa Maamulka Gobolka Haylaan, iyo kan Degmada, Maamulka Mu’asasada Al-Minhaaj ee dacwada iyo horimarinta, Masuul ka socday Jaamacada Bariga Afrika, Madaxa Dallada Macaahida Sharciga ah ee Puntland, Gudoomiyaha Dallada Waxbarashada Puntland “PEN” iyo Xubno kale.

Ula jeedka safarka wafdigan ayaa ahaa ka qayb galid xaflad lagu daahfurayay Mac-had Culuumta Shareecada lagu baran doono oo halkaas laga hirgalinayay, sidoo kale ka qayb gal xaflad qalin jabin oo loo qabanayay ardayda dugsiga sare ee buraan iyo Howlo Dacwadeed.

Wafdigu intuu ku sugnaa degmada Buraan wuxuu kulamo kale duwan oo ku aadan Dacwada la qaateen Culimada iyo Ducaada kale ee Degmada Buraan, sidoo kale waxa muxaadirooyin guud uu ka jeediyay masaajida degmada.

Intaa waxa u dheeraa ka qayb galid xaflad lagu daahfurayay Mac-had Culuumta Shareecada lagu baran doono oo halkaas laga hirgaliyay, iyo Xaflad loo qabtay ardayda ka qalin jabisay Dugsiga sare ee dagmada Buraan.

Xubnaha wafdiga ayaa labadaas xafladoodba kasoo jeediyay hadalo dhaxal gal ah oo ay ku dhiiri galinayeen shacabka degmada iyo masuuliyiin toodaba talaabada ay ku tilaab sadeen dhinaca wax barashada.

Waxa safarkan qaatay mudada labada maalmood ah ka mid ahaa xubnihii wafdiga:-

1. Muuse Cali Muuse, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Haylaan

2. Bootaan Axmed Bootaan, Gudoomiyaha Degmada Buraan

3. Sh Ciise Siciid Maxamed, Gudomiye ku xigeenka guud ee Mu’asasada Alminhaaj .

4. Sh Axmed Maxamed Siciid (Sh Faarax) , Madaxa Xafiiska Aqbalaada Jaamacada Bariga afrika.

5. Dr Mxamed Faahiye Ciise Gudoomiyaha Dallada Waxbarashada Puntland “PEN”.

6. Sheekh Axmed Faarax Warsame(Garaase), Madaxa Dalada Macaahidda Sharciga Ah Qaybta Puntland.

7. Sh Cismaan Max’ud X Dirir Madaxa Xafiis Dacwada Mu’asasada Alminhaaj puntland.

8. Ustaad Siciid Maxamed Diiriye ,Madaxa Xafiiska Dacwada iyo Tacliinta Mu’asasada al-minhaaj Qaybta Gobolka Bari.

9. Dr C/raxmaan Sh C/qaadir Nuur Faarax Madaxa xafiiska warbaahinta al-minhaaj.

10. Sh ibraahim Bisle .

11. Siciid Maxamed Warsame.

12. Siciid Cali Maxamuud.

no images were found

Mu’ssadda Al-minhaaj
Boosaaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online