Al-Minhaaj oo 676 Qoys oo dan yar ah u qaybisay Raashin ay ku afuraan Bisha Ramadaan.[Masawiro]

June 19, 2015 - Written by Editor

M2U05505 83Garoowe:-Waxaa maantay lagu qabtay Xarunta weyn ee Mu’asasada Al-Minhaaj ay ku leedahay Caasimada Puntland ee Garowe Xaflad deeq raashin ah lagu gudoon siinayay dadkatabaalaysan eek u dhaqan Garowe .

Waxaana xafladaan kasoo qayb galay Odayaasha Dhaqan ka Culima’udiin Maamulka Mu’asasada AL-Minhaaj Boqolaal dad masaakiin .

Waxaana ugu horayntiiba hadalka furay Gudoomiyaha Golaha Fulinta ee Al-Minhaaj Garowe waxaana uu ka war bixiyay u la jeedda iyo sababta dhalisay in howshaan aad ka u qiimaha badan ay Mu’asasdu u kacdo isagoo ku sifeeyay in ay tahay in bulshadu is qaadato oo bishaan aan lahelin reer dabku ka dan san yahay islamarkaan laysku tashado oo aan lagu sugin cidkale wixiii la cuni lahaa waxaana uu qiray in dadku ay isku filan yihiin hadii ay isku kalsoo naadaan.

Waxaa sidookale goobta ka hadlay Sh.Maxmauud Xaaji Yuusuf oo sheegay in ay tani tahay wax ku dayasho mudan islamarkaana waxaa sheekhu u duceeyay dhamaan cidii kasoo shaqaysan howshaan qiimaha badan .

Intaas ka dib waxaa xaflada soo xiray Duqa Caasimada Puntland ee Garowe  Axmed Yaasiin Gelle waxaana uu u mahadceliyay Maamulka Mu’asasada AL-Minhaaj isagoo balan qaaday in uu wixii uu helo iyaga ugu dhiibayo si ay sidaan quruxda iyo mas uuliyadu ku jirto ugu qaybiso Bulshada waxaana uu u duceeyay dhamaan dadkii ka qayb qaatay.

Deeqdaan ayaa imaanaysa ka dib markii Mu’asasada Alminhaaj ay u diyaarisay barnaamij dadka wax haysta ee ku dhaqan gudaha Garowe looga soo aruurinayo raashinka qaybihiisa kaladuwan reer walba waxay awoodaan si loo gaar siiyo dadka aan haysan waxay ku afuraan.

Sidaas Darteed Mu’asasada ayaa waxay soo xushay kooxo kala duwan oo gaaraya 300 oo qof kuwaas oo loo qaybiyay inta ay ka kooban tahay xaafadaha Garowe si ay uga soo aruuriyaan guriwalba waxa uu la baxayo.

Taakulayntaan oo a sanadkii saddaxaad oo mu’asasadu fuliso ayaa sanadkaan waxaa halku dheg u ahaa (Kiilo bixi aan isku filaansho gaarnee) waxayna illah mahadiis ka dhabaysay in la gaaro isku filaansho buuxda waxaana halkaan maantay ka tagay boqolaal qoys oo aad ugu faraxsan fursadaan ay u sahashay.

no images were found

Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahinta
Mu’asasada AL-Minhaaj

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online